Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Xiriirka ka dhexeeya Shirkadaha Maalgashiga & Faragelinta Shisheeye ee Dalalka Soo Koraya [Qormo xasaasi ah]

    Xiriirka ka dhexeeya Shirkadaha Maalgashiga & Faragelinta Shisheeye ee Dalalka Soo Koraya [Qormo xasaasi ah]

    March 3, 20184 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hadal haynta ugu badan beryahaan geyiga Somaaliyeed ayaa aheed muranka Shirkada Dekedaha Dubai DP World iyo Dawladaha DJibouti, Somaliya, Ethiopia iyo Maamulka Somaliland. Murunkaas oo sababay in uu mugdi galo xiriirka dawladaha Emaraat iyo Geeska Afrika.

    Waxaan xasuusanaa Qarnigii 19 aad markii gumeystihii reer galbeedku qorsheystay gumeysiga Qaaradaha Afrika iyo India ayey soo hor mariyeen shirkado Ganacsi oo Ciidamada ka hor ku soo gala heshiisyo Maalgashi iyo Horomarineed una gogol-xaara soo gelitaanka ciidamada gumeysiga sida; Shirkadii lagu magacaabi jiray British East India Company, kuwii Talyaaniga ee heshiiska la galay Odayaasha dhaqanka, Ciidamadii Masar ee Ingiriisku usoo diray Zaylac iyo Berbera ka hor intii uusan soo gelin Calankiisana ka taagan.

    Hadaba su’aashu waxa ay tahay maxaa soo cusbooneysiiyey murunkaan Dubai Port? Iyada oo la ogyahay: in murunka Djibouti iyo Dubai Port uu jiray soona bilawday 2013, markii dawladda DJibouti go’aansatay in Shirkadaan aysan waxba u qabaneyn ayna bilawday heshiisyo ay la gasho shirkado Chine ah oo u dhisa Dekedo kale iyo Tareeno isku xira DJibouti iyo Ethiopia.
    Waxaan xasuustaa aniga oo ka mid ahaa wafdi uu hogaaminayey R/wasaare Saacid 2013, ayaan ka qeybgalnay dhagaxdhigii Dekedaha Damerjoog iyo laba kale oo sanadkii hore la furay, xilligaas waa jiray murunka Dubai Port iyo dawladda DJibouti, Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle ayaa nagu yiri “Ma rabaan in aan gaarno horumar dhanka Badda ah, annaguna waxaan u jihaysanahay dhanka Badda”.

    Arinta Dekedaha Berbera iyo Bosaaso iyo Saldhiga Ciidan ee Berbera waxaa la saxiixay sanad ka hor xilligii M. Xasan, RW Cumar iyo M. Siilaanyo! Maxaa xilligaan soo kiciyey? Maxaa dawladda DJibouti u ereday shaqaalihii u joogay Dubai Port Dekeda Dooraale? Maxaa heshiiskii Berbera dib loogu saxiixay maanta? Maxaa dawladda federaalka loo maldahay?

    Su’aalahaas ayaa is weydiin mudan?
    Jawaabtuna waxey yeelan kartaa laba dhinac oo kala ah:

    A. Muranka Siyaasadeed iyo Xulafada cusub ee Gobalka soona shaac baxay kadib khilaafkii Khaliijka sida; xulafada Turkey, Qatar, Sudan, Ethiopia iyo DJibouti. Dhinaca kale xulafada; Emaraat, Sacuudi, Masar iyo Eritrea. Murankaas oo salka ku haya biya xireenka Ethiopia ee webiga Niilka iyo Saldhiga Ciidan ee Emaraat iyo Masar ay ka fureen Eritrea.

    B. Arimaha gudaha waxaa ka mid ah:

    1. Emaraat oo dareentay in DJibouti ka maarmi karto kadib markii ay heshiisyo la gashay Chine iyo Turkey.

    2. Ethiopia oo dareentay in Emaraat u xaglinayso cadawgeeda Masar iyo Eritrea, gacana siinayso. Ethiopia oo maalgashigii ugu badnaa ka heshay Turkey iyo Emaraat oo rabta in ay gunna ka siiyo Dekedaha Somaliya.

    3. Xukuumadda Kulmiye ee Somaliland oo saxiixii hore ee Feberuar 2017 ka baqday in ay shaaciso Share ka 19% ee Ethiopia iyada oo xilligaas ku jirtay doorasho kana baqday shacabka Somaliland lkn hadda ku dhiiratay markii la doortay ka dib.

    4. Dawlada Emaraat oo dareynsan in aysan sharci aheyn heshiisyada ay la gashay maamul-gobaleedyada una hawlgasha mar kasta in ay ka ansixiso dawladda federaalka, cadaadisna ku saarta.

    5. Dawlada Emaraat oo hab-dhankeedu uu u muuqdo in ay ka quustay in ay wax ka saxiixato M. Farmaajo iyo RW Khayre, kuna tala gashay in ay kaararka Siyaada iyo taageerada bulshada ka gubto.

    6. Dadka Somaaliyeed oo maanta soo jeeda dhib kasta oo haystana aan aqbali karin in loo gashado mar kale shaati maalgashi ama gargaar sidii loogu gashaday aabayaashood iyo Siyaasiyiin been u sheegta oo iibsata dhaxalkooda, hadana ay ku doortaan, kana qariya wixii ay saxiixeen iyo cida ay wax siiyeen.

    Hadaba heshiisyada taabanaya Masiirka iyo Mustaqbalka jiilka danbe sida: Dekedaha, Badda, Hawada, Xuduudaha dhulka, Khayraadka Dhulka iyo Badda, Saldhigyada Ciidan iwm, kuma filna War-saxaafadeed ay soo saartay Xukuumadda fedaraalka iyo hadalka R/wasaaraha ee waxey u baahantahay Sharciyo, Qaraaro iyo Go’aanno adag oo ay soo saaraan Golayaasha Federaalka ee Wasiirada iyo Barlamaanka, Ashtako iyo Sharcina lala tiigsado Dawladaha ku xad-gudbaya iyo Madaxda ku takri-faleysa dhaxalka sooyaalka!!.

    W/Q: Maxamed Nuur Gacal
    Wasiiru dowlihii Arrimaha dibadda ee Soomaaliya

    Dekadda Berbera Eithopia Imaaraadka Maxmed Gacal Somalia Somaliland UAE
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSomaliland oo si kulul ugu jawaabtay Ra’iisal Wasaare Kheyre: “Inta aanu ka hadlin heshiiska Berbera waa inuu Muqdisho…” [Dhageyso]
    Next Article Wasiirrada Gaashaandigga & Arrimaha dibadda Dalalka AMISOM oo Dingiin kasoo saaray Kampala [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo