Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa goor dhoweyd weerar lagu qaaday guriga Guddoomiyihii hore ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Weerarka lagu qaaday hoyga guddoomiyihii hore ee Wardhiigley Deeqa C/qaadir Axmed ayaa loo adeegsaday Bambooyin lagu tuuray, waxayna wararku sheegayaan inay ku dhaawacmeen 4 qof oo ka isugu jira ilaalo ciidan iyo dad shacab ah oo guriga ku sugnaa.
Weerarkan ayaan ahayn kii ugu horeeyay ee lagu qaado, waxaana hore gurigan loola beegsaday dhowr weerar.
Wadani.com