Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog C/casiis Axmed Gurbiye ayaa laga sii daayey Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, kadib markii shalay ay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah iyo ganaax 5 Milyan Sh/So.
Sii deynta Weriye Gurbiye ayaa timid kadib markii uu iibsaday Xabsigii lagu xukumay oo ay uga hartay 2 Bilood iyo Bar, iyadoo uu hore xoriyad la’aan ku qaatay muddo 3 bilood iyo Bar ah, waxaana dib u dhac ku yimid sii deyntiisa oo ay ahayd inay shalay dhacdo.
Mas’uuliyiinta Xabsiga Dhexe ayaa diiday shalay inay sii daayaan Weriye Gurbiye, iyagoo ku dooday in qoraalka Dacwadiisa aanay ka muuqan inuu xabsiga iibsan karo oo ay fasixi karto oo kaliya Maxkamadda Rafcaanka.
Kadib dadaal badan oo ay sameeyeen Qareenada u doodaya weriyaha, ehelka Weriyaha ayey maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir amartay in lasii daayo weriye Gurbiye markii uu iibsaday xabsigii lagu xukumay.
