Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog C/casiis Axmed Gurbiye ayaa ka hadlay qaabkii loo xiray iyo waxa uu ka aaminsan yahay xariga ay kula kacday dowladda Soomaaliya.
Gurbiye oo qoraal soo saaray kadib markii damiin looga sii daayay xabsi uu 5 maalmood ku jiray ayuu caddeeyay inaysan waxba iska bedelin fekerkiisa, isla markaana uu aamisan yahay in si sharci darro ah loo xiray oo loo awood sheegtay, wuxuuna ballan qaaday inuu dadka la wadaagi doono maalmihii xoriyadda laga qaaday iyo wixii uu la kulmay.
HOOS KA AKHRISO QORAALKIISA
WARGELIN & MAHADCELIN Ugu horeyn waxaa mahad dhammaanteed iska leh Allaha iga soo saaray xabsigii xoogsheegadka la igu geeyey ee aan sharcigu i geyn.
Waxaan ku wargelinayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in aan si damiin ah xoriyadeydii dib ugu helay aniga weli aaminsan in aan ku xirnaa sharcidaro iyo ku tagrifal awoodeed.
Waxaan mahadcelin ballaaran u jeedinayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ka danqatay kana dhiidhisay sharcidaradii la iiga qaaday xorriyadeyda.Waxaan mahad iyo abaal aan duugoobin u hayaa dhammaan mas’uuliyiinta iyo hawlwadeenada warbaahinta Soomaaliyeed iyo kuwo shisheeyaha intaba oo si hagar la’aan ah ii garab istaagay iyaga oo iigu soo gurmaday si kasta oo ay awoodeen.
Sidoo kale waxaan mahad ballaaran u hayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo isugu jira xildhibaano, madaxweynayaal hore, musharaxiin madaxweyne heer qaran iyo heer dawlad goboleed intaba, kuwaas dhammaantood u gurmaday sidii aan xorriyadeyda dib ugu heli lahaa. Sidoo kale waxaana iloobin in aan u mahadceliyo cilmi-baarayaasha Soomaaliyeed ee i garab istaagay.
Waxaan mahad weyn u hayaa xubnaha ururada bulshada ee cod dheer uga dhiidhiyey xadgudubkii la igu sameeyey ee xioriyada la iiga qaaday 14kii Abriil, 2020. Waxa ay ummadda Soomaaliyeed marqaati ka yihiin in xubnaha ururadaas ay mar walba cod u yihiin ummada gaaar ahaan kuwa dulman.
Waxaan mahad iyo abaal intaba u hayaa qareenadeyda subax iyo galab ku hawlanaa sidii ay sharciga iigu difaaci lahaayeen, iyaga oo weli i garab taagan. Waxaan iyaguna milgo iyo mahadnaq iga mudan abwaanada hal-abuurkooda igu difaacay una ololeeyey sidii aan xorriyadeyda dib ugu heli lahaa.
Waxaana iloobin in aan u mahadceliyo asxaabteyda gaarka ah iyo qaraabada ii soo wada gurmaday dadaalkana ku bixiyey sidii aan xorriyadeyda u heli lahaa. Ugu dameyn, waxaan la wadaagayaa ummada Soomaaliyeed in xirfadeydii saxafinimo aan waxba iska bedelin oo shaqada aan sidii hore u sii wedi doona.
FILASHO: Waxaan idinla wadaagi doonaa mudo dhow xusuus-kaalkeyga ku saabsan maalmihii xorriyadeyda la iiga qaaday sida sharcidarada ah.Si guud iyo gaar ah ayaa dhamaantiin idinkugu mahadcelinayaa.Aniga Weli Ma Hadlin!!