Wareegto dhowaan ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ayaa loogu Magacaabay Afhayeenka Dowlada Goboleedka Galmudug inuu noqdo Cabdirizaaq Maxamuud Xaaji (Socoto) oo ka mid ahaa saxafiyiinta caanka ah ee Soomaalida kana soo shaqeeeyay Idaacadaha la iska arko ee Soomaalida.
Weriye socoto ayaa ku sugan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug waxaana laga soo xigtay inuu ku faraxsan yahay xilka cusub ee loo magacabaay diyaarna u yahay in uu u shaqeeyo dowlad Goboleedka Galmudug.
Hore waxaa afhayeeno ugu noqday dowladda Soomaaliya iyo maamulada ka jira dalka weriyeyaal caan ah oo qaarkood xilalkaas weli hayaan iyo kuwo isaga tegay. Waxaa ugu danbeeyay Maxamed Cashi Nadaara oo loo magacaabay Afhayeenka maamulka K/Galbeed balse dib ugu noqday shaqadii TV-ga Kalsan iyadoo aan la ogeyn inuu isaga tegay xilka iyo in kale.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]