Weriye C/casiis Maxamed Guuleed (Afrika) oo ka mida weriyeyaasha u shaqeeya Warbaahinta Dowladda iyo Soo-saaraha Barnaamijka Gungaar ayaa caawa shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus.
Weriye C/casiis Afrika ayaa farriin uu diray ku yiri: “Inkastoo aanan wax Calaamad ah isku arkin, haddana waxaan ka mid noqday Caawa Dadka Soomaaliyeed ee laga helay COVID19”.
Waxaa la xusuustaa inuu weriyahani booqday isbitaalka Difgeer, isagoo gudaha u galay isbitaalka si u booqdo weriye ka tirsanaa warbaahinta dowladda, tallaabadaasi ayaa si weyn loogu cambaareeyay, iyadoo ay raaligelin ka bixiyeen Madaxda Wasaaradda Caafimaadka.
