Weriye Jamaal Maxamed Cusmaan ayaa qoraal uu soo sarya uga halay sida uu uga xun yahay in laga hor istaago gelista caasimadda Muqdisho, kadibna laga masaafuriyay.
“Shakhsi Soomaali ah in laga hor istaago gelitaanka caasimadda Muqdisho – oo laga tarxiilo hoyga Soomaaliyeed waxay dhaawac weyn u gaysanaysaa jiritaanka Soomaalinimo. Taas waxaa garan karta inta damiir iyo dadnimo leh ee fahmi karta macnaha iyo mugga ay Soomaalinimadu leedahay”.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Weriye Jamaal.
Weriyaha oo shalay dib uga noqday caasimadda Muqdisho, markii uu 24 saac ka yar ku sugnaa Hotel ku yaalla Garoonka Diyaaradaha, markii la sheegay iny Hay’adda NISA ay shuruurdo ku xirtay inuu gudaha u galo magaalada.
“Waa la kala fikir duwanaan karaa, Baasaboorro kala nooca ayaa la wadan karaa, waa la is-dagaali karaa, laakiin waxaa bulshada isku haya waa dhiigga iyo dhalashada Soomaali. Markay taas meesha ka baxdo waxaa go’aya xadhigii isku hayay bulshada”.” ayuu qoraalkiisa kusoo xiray Jamaal Maxamed Cusmaan.
Weriyaha ayaa sheegay in markii uu ka soo degay garoonka 8:00 Subaxnimo uu u gudbay huteelka, kadib ay labo nin oo dhalinyaro ka soo dabagaleen, una sheegeen inay ka socdaan Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya (NISA).
“Ujeedkoodu wuxuu ahaa in ay iga hor istaagaan shaqadeyda wariyennimo iyaga oo adeegsanaya hanjabaad iyo cabsi galin” ayuu yiri Jamaal, kadibna dhowr saacadood kadib uu mid ka mida taliyeyaasha NISA uu khadka taleefanka kula hadlay, una sheegay in sababta ay u xannibeen ay tahay inuu bartamihii sanadkan wareysi la yeeshay madaxa Amniyaatka Alshabaab, Mahad Karatee.
“Sarkaalka NISA ayaa si kooban iigu sheegay: “Haddii aad sameyso sheekooyin aan dhibsanno – waxaad mari doontaan cawaaqibkeeda. Waxa ku qoran warqadaha [sharciga] muhiim ma ahan”. ayuu yiri Jamaal.

