Ciidamada Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa caawa howlgal ka sameeyay xaafadad Taleex ee degmada Hodon, iyadoo lasoo ururiyey dhalinyarro fara badan oo ku sugnaa goobo ganacsi, wadooyinka iyo guryahooda.
Dhalinyaradan waxaa la isugu geeyay meel barxad ah, waxaana la yaab leh inuu ka mid noqday weriye ka tirsan warbaahinta Goobjoog, wuxuu live soo galay Facebook, isagoo wareysi ka qaaday dhalinyarii halkaasi lagu heystay, waxayna ka hadleen sida ay ciidamada ula dhaqmeen oo u sheegay in qofkii hadla rasaas lagu dhufanayo.
Arrintan ayaa fadeexad ku ah ciidamada amniga oo marka laga reebo hab dhaqankooda ay howlgalladii isu bedeleen kuwo aan macne lahayn oo dadka lagu dhibo, iyagoo aan waxba la weydiin, dad badan ayaa la yaabay sida u dhaqmeen ciidamada howlgalka fuliyey iyo sida uu weriyaha uga faa’iideystay.

HOOS KA DAAWO