Weriye ka tirsan Laanta Afsoomaaliga VOA-da ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib markii xanuun degdeg ahi ku yimid.
Axmed Xasan Colaad wuxuu muddo dheer la shaqeynayay Laanta Afsoomaaliga ee VOA, isgoo ka mid ahaa Wakiiladooda, wuxuuma hore uga shaqeeyay Idaacado maxali ah. Weriyaha ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa nin aad u degan oo af-gaaban.
Ehelada Marxuumka iyo Howlwadeenada oo la shaqeeyay ayaa sheegay in labadii Maalin ee lasoo dhaafay uu Marxuumka ka sheeganayey xanuun dhinaca madaxa ah, Xaaladiisana ay kasiidartay Xalay fiidkii, isagoona xilli dambe ku geeriyooday isbitaalka Kulmiye ee magaalada Muqdisho.
Weriye Colaad ayaa ifka ugu tagay afar Carruur ah, labo wiil iyo labo Gabdhood, waxaana maanta lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho.
Bahda Wadani waxay tacsi u direysaa ehelka iyo saaxiibadii uu ka baxay Marxuum Axmed Xasan Colaad. Naxariistii janno Allaha ugu deeqo. AAMIIN