Wararka laga helayo Gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday degmada JilibĀ lagu beegsaday Xarunta Idaacadda Andalus oo lagu dilay weriyeyaal ka tirsan Alshabaab.
Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa ayaa sheegay in duqeynta khasaaro xoog leh kasoo gaaray weriyeyaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo lagu dilay dad ku dhow 20 qof oo xarunta idaacadda ku sugnaa xilliga weerarku dhacay.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay shan weriye oo ka tirsan Alshabaab, iyadoo weriyeyaasha la dilay ay ka mid yihiin: Feysal Yare, Maxamed Aadan Nasrudiin, Cabdikariim Seyfulah iyo Xasan Cabdiraxmaan.
Ma jiro cid xaqiijisay dilka weriyeyaasha Alshabaab oo qeyb ka ah dagaalka Alshabaab, kana qeyb gala dagaallada ay qaadaan.