Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay afduub ka geysatay degaanka Gal-Qoryaale oo u hdo Guriceel, Gobolka Galgaduud.
Dadka la afduubtay ayaa kala ah wiil iyo aabihii oo waxaana magacyadood lagu sheegay Maxamed C/raxmaan Xersi iyo Aabbihii C/raxmaan Xersi Warsame, waxayna arrintan ka danbeysay markii ka dhego-adeygeen inay bixiyaan xoolo laga doonaeyay.
Dadka Degaanka ayaa lagasoo xigtay in labada qof ee Al-Shabaab kaxaysteen ay ula dhaqaaqeen dhinaca degaanka Ceel-garas oo fariisin ay ku leeyihiin.