Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Wiil uu dhalay Donald Trump oo ku lug yeeshay Kiiska Ruushka ee Doorashadii Mareykanka

    Wiil uu dhalay Donald Trump oo ku lug yeeshay Kiiska Ruushka ee Doorashadii Mareykanka

    July 11, 20172 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wiilka curadka ah ee Donald Trump ayaa ku lug yeeshay kiiska ku saabsan kaalintii Ruushku ku lahaa doorashadii Mareykanka.

    Xog uu faafiyay  wargeyska New York Times ayaa lagu sheegay wiilka curadka ah ee Trump uu qeyb ka ahaa dadaal ay dowladda Ruushka ku caawinaysay  aabihii xilligii ololaha doorashada ee aabihii.

    Kulan uu wiilka ka qeyb galay waxaa qabanqaabiyay Rob Goldstoneiyadoo la qbatay bishii Juun 2016, ayaa sida uu ku sheegay email uu shaaciyay wargeyska.

    Kulanka oo la rumaysan yahay inuu ahaa kii ugu horreeyay ee dhexmara muwaadin Ruush ah iyo shakhsiyaadka aadka ugu dhaw madaxweynaha, ayaa ka dhacay dabaqa uu Trump ku leeyahay New York, iyadoo xilligaasi labo toddobaad ka hor uu Donald Trump ku guulaystay musharraxnimada xisbiga Jamhuuriga.

    Wiilka oo lagu magacaabo Donald John Trump Jr ayaa qiray in kulankaasi uu dhacay, balse wuxuu ku dooday in macluumaadka ay haweeyneydaasi siisay aanu ahayn mid waxtar leh, ama xog xasaasi ah watay.

    Wuxuu intaa ku daray in markii dambe ay kala hadashay arrin taa ka duwan oo ah sida carruurta Ruushka ay ula soo wareegi karaan una korsan karaan qoysaska Maraykanka ah.

    Afhayeen u hadlay garyaqaannada madaxweyne Trump ayaa sheegay in madaxweynaha uusan ka war qabin isla markaana aanu ka qeyb galin kulankaasi

    Guddi ka tirsan Congress-ka Maraykanka iyo dacwad ooge gaar ah ayaa baaritaan ku haya in kooxdii doorashada Trump iyo Ruushka uu xiriir ka dhexeeyay ka hor doorashadii 2016.

    Baaritaannada ayaan weli soo bandhigin wax caddeyn ah, madaxweyne Trump-na wuxuu marar badan beeniyay inuu Ruushka gacan ka helay markii uu u tartamayay madaxtinnimada Maraykanka.

    Caalamka Donald John Trump Donald Trump Jr Russia US election meddling US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamo Soomaali Nooc cusub ah oo la dejinayo xarunta Jaamacadaha ee laga raray AMISOM
    Next Article Puntland oo soo bandhigtay dhalinyaro la sheegay inay ku biiri rabtay Al-Shabaab [Daawo Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo