Madaxweynaha maamulka Galmudug ee qaar ka mida xildhibaannada Baarlmaankiisa ay xilka ka qaadeen ayaa u goodiyay madaxeynaha Federaalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa dhacday kadib markii Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) telefoon kula soo xiriiray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo uu dhex maray wadahadal kulul oo inta badan Axmed Ducaale Xaaf uu hadlayay, una adeegsaday ereyo kulul oo caro iyo hanjbaad miiraan ah.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Xaaf uu ku eedeeyay Farmaajo inuu ka dambeeyo khilaafka ka taagan Galmudug, isagoo ku kiciyay madaxdii ka hoosesay, kharashka ku bixiyay inuu dumiyo maamulkaasi, wuxuuna si cad ugu sheegay Farmaajo in kursiga madaxweynaha Galmudug uu yahay Kuri uu ka eryay C/kariin Guuleed oo aysan dhici doonin inuu si dhib yar uga tago.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu hanjabay Farmaajo haddii uu qaska ka dhaafi waayo maamulkiisa inuu isaguna marin doono jidkii uu mariyay madaxweynihii hore ee Galmudug, isla marmkaana uu Villa Somalia kala wareegi doono marka uu ka saaro.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu xaaladda qaboojiyay, isagoo oo Xaaf ugu baaqay inay is arkaan si xaaladda jirta looga wadahadlo, taasoo aanu wax jawaab ah ka bixin Axmed Ducaale Xaaf.