Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Hirshabelle»Xaaji Cusman Dhagaxow: “Dowladda Somalia 500 jawaan ayay keentay Beledweyne, nama soo gaarin lacagtii sanadkii hore”

    Xaaji Cusman Dhagaxow: “Dowladda Somalia 500 jawaan ayay keentay Beledweyne, nama soo gaarin lacagtii sanadkii hore”

    May 8, 2020Updated:May 8, 20202 Mins Read Hirshabelle
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka magaalada Beledweyne Xaaji Cusmaan Dhagaxow Haruur ayaa kashifay in dowladda Soomaaliya aysan wax gacan ah ku lahayn howsha biyo xireenka magaalada Beledweyne ee looga hortegayo fatahaadda Webiga Shabeelle.

    Isagoo u warramay VOA-da ayuu sheegay in Guddigooda ay ku howlgaleen lacag dhan 530,000 doolar oo 400-kun oo ka mida ay ahayd lacagtii ka timid Somaliland ee lagu taageeray fatahaadii hore iyo 130-kun oo ganacstada Beledweyne ay iska ururiyeen, iyadoo muddo laba toddobaad ah ka shaqeeyay inay Kelli ka sameeyaan duleedka magaalada ayna biyo ka weeciyaan.

    Xaaji Cusmaan Dhagaxow oo dhinaca kale ah Guddoomiya Dahabshiil Group ee Gobolka Hiiraan ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay shalay geysay magaalada Beledweye 500 Jawaab oo carro lagu shubo, mana jiraan ayuu yiri wax kale oo kasoo gaaray maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka.

    Xaajiga wuxuu qarxiyey inaysan weli magaalada Beledweyne soo gaarin lacagtii ay dowladda Soomaaliya shaacisay inay ugu deeqday fatahaaddii Beledweyne ka dhacday Bishii Oktoobar ee sanadkii hore 2019 oo gaareysay 500,000 doollar iyo lacagtii Jabuuti ee ahayd 600,000 doolar oo kaliya ay ka maqleen Idaacadaha; iyagoo marar badan arrintaas soo qaaday aan wax jawaab ah laga siin.

    “Wax dowladda naga soo gaaray waxaa ka jira 500 jawaanno ah.. sanadkii hore waxay dowladdu ku yaboohday 500-kun Doollar nama soo gaarin.. wax aan hadal ahayn kama heyno.. cidda lacagtaas cuntay ama loo dhiibay iyagaa la weydiinaa..” ayuu yiri Xaaji Cusmaan dhagaxow oo caddeeyay in dowladda Federaalka aysan wax gacan ah ku lahayn howsha ka socota magaalada Beledweyne.

    Lama oga halka ay martay lacagtii dowladda Federaalka shaacisay inay siisay fatahaadii magaalada Beledweyne Oktoobar 2019, waxayna arrintan ka dhigan tahay fadeexad looga fadhiyo dowladda Soomaaliya inay caddeyn ka bixiso.

    Arrintan ayaa soo shaac baxeysa iyadoo Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka ay tageen magaalada Beledweyne, isla markaana wasiirka Boostada xukuumadda Soomaaliya uu sheegay inay dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle dhisayaan biyo xireen looga hortegayo fatahaadda Beledweyne.

    HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA XAAJI CUSMAAN DHAGAXOW EE VOA-DA

    https://av.voanews.com/clips/VSO/2020/05/08/5cb8a758-6ce4-44eb-8851-5690e7da3dd6_48k.mp3

    HOOS KA DAAWO HOWSHA BIYO XIREENKA BELEDWEYNE

    BELEDWEYNE Fatahaad Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHormuud Foundation iyo Salaam Bank oo Deeq gargaar ah gaarsiiyay Haween Danyar ah
    Next Article Soomaaliya oo Deeqdii labaad ee Qalab caafimaad ah ka heshay Dowladda Shiinaha (Sawirro)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo