Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Xaakimkii laalay Natiiadii Doorashada Kenya oo Dacwad xil ka qaadis ah lagu soo oogay

    Xaakimkii laalay Natiiadii Doorashada Kenya oo Dacwad xil ka qaadis ah lagu soo oogay

    September 14, 20172 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa codsi horgeeyay guddiga adeegga garsoorka Kenya, waxaana jira mooshin la hadal hayo in David Maraga laga geeyo baarlamaanka Kenya.

    Xildhibaankan ayaa doonaya in xilka laga qaado xaakimka sare David Maraga oo ahaa xaakimkii riday xukunkii lagu laalay natiijada doorashadii madaxtinimo ee Kenya ka dhacday bishii lasoo dhaafay.

    Ngunjiri Wambugu ayaa waxa uu doonayaa in Guddiga Adeegga Garsoorka oo ah laanta dowladdeed ee shaqaalaysiisa garsoorayaasha ay baaritaan ku samayso Maraga oo uu ku eedeeyay in uu fuliyay Afgambi Garsoor.

    “Garsoorka waxaa haysta hay’adaha aan dowliga ahayn” ayuu yiri xildhibaankan oo warbaahinta kula hadlay baarlamaanka.

    Wargayska Daily Nation ayaa sidoo kale warbixin uu soo qoray ku sheegay in xildhibaanada xisbiga Jubilee ay doonayaan in ay adeegsadaan guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa ee EACC sida laga soo xigtay xildhibaano kale. Sidoo kalana ay qorsheynayaan in ay mooshin hor geeyaan baarlamaanka Kenya.

    Ururka xirfadlayaasha garsoorka ee Kenya ee magaciisa loosoo gaabiyo KMJA ayaa sheegay in mooshinkan lala maaganyahay Maraga uu yahay mid salka ku haya xukunkii Maraga uu ku laalay natiijada doorashada, lana doonayo in magaciisa la haleeyo.

    Xildhibaan Ngunjiri ayaa Maraga ku eedeeyey in uu mid ka mid ah xaakimiinta maxkamadda sare oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim uu ka hor istaagay in uu qeyb ka noqdo xukunkii maxkamadda sare ay ku laashay natiijada doorashada.

    Xaakim Maxamed Ibraahim ayaa xanuunsaday maalin ka dib markii ay bilaabatay dhagaysiga dacwadda, kamana uusan soo qaybgalin maalintii xukunka la shaacinayay, iyada oo xitaa haddii uu kasoo qaybgali lahaa uusan codkiisa wax isbadal ah ku samayn lahayn xukunkii dhacay.

    Maraga ayaa ammaan iyo bogaadin ku muteystay xukunkii maxkamadda gudaha dalka iyo dibadiisaba. Hase yeeshee madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku Maraga ku tilmaamay “burcad”, isaga oo ku gooddiyay in uu talaabo ka qaadi doono haddii uu markale ku guuleysto doorashada.

    Garsoorayaasha maxkamadda sare ayaa haysta illaa 21-da bishan sabtembar in ay shaaciyaan xukunkii oo dhan, oo ay ku jiraan sababaha ay cuskadeen markii ay laalayeen natiijada doorashada.

    David Maraga Kenya Kenya Election Uhuru Kanyatta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiyaha G/Banaadir oo Gogol u dhigay Wasiirada iyo Duubabka Beesha Muddulood [Sawirro]
    Next Article Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal culus ku dul tijaabisay dalka Japan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo