Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad cusub ay ku soo korortay wadooyinka taga garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Garoonka Aden Cadde oo isu diyaarinaya imaanshaha madaxda dalalka IGAD ayaa gebi ahaan la xiray wadooyinka taga, iyadoo muddooyinkii ugu danbeeyay la isku maandhaafay in wadadda tagta Garoonka la xiro iyo inkale.
Maqribnimadii shalay ayaa la dhaqan geliyay go’aanka kadib markii Wadadda ka timaada dhinaca degmada Wadajir ee gasha Garoonka Diyaaradaha gebi ahaanba lagu xiray dhagxaan shub ah iyo birro oo aanay jirin wax ka gudbi kara.
Dhinaca kale wadadda ka tagta Isgoyska KM4 ee tagta garoonka ayaa hadda isu bedeshay mid socodkeedu yahay hal dhinac oo aan la isaga gudbi karin oo kaliya ay adeegsan karaan gaadiidka dowladda iyo kuwa doonaya Hotelka Jazeera iyo xarumaha UN-ka.
Talaabadan ayaa imaaneysa iyadoo 10-ka bishan lagu wado inay Muqdisho yimaadaan qaar ka mida madaxda IGAD oo ka qeyb galaya shir madaxeedka IGAD oo markii ugu horeysay lagu qabanayo magaalada Muqdisho.
Wadani.com