Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo oo shalay dagaal culus ku dhex maray ciidamo kala taabacsan maamulka Puntland iyo Galmudug ayaa sheegaya in kulan ay maanta Suuqa Bartamaha ee Magaalada Gaalkacyo ku yeesheen Waxgarad iyo Ganacsato ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa laga soo saaray heshiis xabad joojin ah oo dhowr qodob ka kooban.
Kulanka waxaa laga soo saaray saddex qodob oo saldhig u noqonaya joojinta dagaalka Magaalada Gaalkacyo. Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mida:
In xabadda la joojiyo
In la kala qaado Ciidamada is hor fadhiya
Iyo in laga wada hadlo wixii dhaliyay dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo isagoo la filayo inuu ka qeyb qaato dejinta xaalada colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo.
Wadani.com