Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh inuu Baarlamaanka hor geeyay sharci aan sax ahayn.
Qoraal kasoo baxay UNSOM ayaa lagu caddeeyay in Xeerkaan ‘Xeerka Dembiyada la xiriira Galmada’ ay aad uga walaacsan yihiin, kaasoo aan ahayn sharcigii saxda ahaa, waxaana Xafiiska Qaramada Midoobay ay magaciisa xustay Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh.
“Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa u muujiyey walaaca ay ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isku dayga miiska lagu soo saaray sharci cusub oo aan sax aheyn, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintan la xiriira... Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku boorrinayaa golaha wasiirrada ee dalka in ay dib-u-soo-celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah”. ayaa lagu yiri Qoraalka UNSOM oo si toos ah u farageliyay howsha Baarlamaanka Federaalka iyo sharciyada la hor geeyo.
Sharcigan oo hore u ahaa ‘Sharciga Denbiyada la xiriira Jinsiga’ ayey si weyn u daneynayaan dalalka reer Galbeedka, waxaana maanta uu muran badan ka dhaliyey fadhigii Baarlamaanka, kaasoo la diiday in ajendihiisa la ansixiyo.
Waa markii ugu horeyay ee xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya uu eedeyn toos ah u jeediyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, soona farageliyo sharciyada la hor geeyo Golaha.
