Saraakiisha amniga dalka Ciraaq waxay sheegayaan in qof is miidaamiyay uu ku qarxay xaflad aroos oo dad badan ku sugnaayeen.
Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay qaraxaasi, tira kaloo badanna way ku dhaawacantay. Waxaana weerarka sheegtay kooxda khilaafada islaamiga ee Daacish.
Xafladda arooska oo ka socotay galbeedka Baqdaad waxaa ka qeybgalay xubno dowladda ka mid ah oo dagaal kula jira ururka la baxay Khilaafada Islaamka.
Kooxda waxaa dhowaanahan haystay culeys ka dib dullaan ballaaran oo dowladda ay hogaamineyso oo lagu qaaday xaruntooda ugu weyn Ciraaq ee Moosil.