Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»XAG-JIRNIMADA [W/Q: Saadiq Eenow]

    XAG-JIRNIMADA [W/Q: Saadiq Eenow]

    March 23, 20164 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xag-jirnimada (Extrimism) waa aragti mayal-adag oo qof ama koox ay qaataan, taas oo lagu taageerayo hadaf u muuqda oo la saxsan. Isla-markaas aragtidu ma oggola in wax wada-hadal ah ama tanaasul ah laga yeesho hadafka la tiigsanayo. Qofka ama kooxda aragtidaas qaadata waxay fadilaan in ay denbi u galaan intii uu tanaasul ka samayn lahaayeen.

    In-kasta oo ay leedahay sikoloojiyad gaar ah (Extrimist Psycology) xaladaha lagu tilmaansado bulshooyinka ay ka curtato aragtida mayal-adeyga, misana waxaa jira laba waddo oo ay raacaan dhamaan dadka qaata aragtidaas. Mid waa xag-jirnimada ka dhalata aragtiyaalka siyaasadeed ee si khaldan loo fahmo.

    Midda kale waa Waxaa kaloo ay ka dhalataa aragtiyaalka diineed oo iyana si khaldan loo fahmo. Mid ay tahayba, xag-jirnimada waxaa aragtideeda ay ka dhalataa iyada oo bulshada intooda badan aanan u muuqan arimaha u muuqda qofka ama kooxda mayalka adag. Sidaa darteed waxay ka bilaabataa iyada oo qofku uu isla saxsanaado, bulshadana uu u arko in ay khaldan yihiin.

    Waxay gaartaa in qofku uu dilo qofka kasta oo aanan la aragti ahayn. Waxay ku dhamaataa in kooxda mayal-adaygga xambaarsan ay iyagu is-dilaan. In aanu aadami nahay waa hadiyad inooga-timid xagga Eebe. Wuxuu inoo uumay in aanu is-kaashanno ee inooma uumin in aanu is-laynno.

    Nacaybku nolosha waa uu curyaamiyaa, mana ahan wax ay dadku qaadi karaan. Jacaylkuna nolosha waa uu xoreeyaa waana fudud yahay oo dadku waa ay qaadi karaan. Is-fahamka bulshada iyo is-haysadkeeda maahan oo keliya hadaf ay bulshadu tiigsanayso, bal xataa waddadii la raaci lahaa ee hadafkaas lagu gaari lahaa ayaa u baahan is-faham iyo is-kaashi. Xeerka nolosha waa in aad tallaabada koowaad qaaddaa oo aad jaranjarta cagta saartaa, xataa haddii aadan gaarayn midda ugu danbeysa.

    Wadda kasta oo aad is-leedahay ku gaar hadafkaaga waa in ay nadiif ahaataa, haddiiba uu hadafkaagu nadiif yahay. Xiriirka ruuxiga ah ee dadka dhex-mara ayaa wuxuu ka wanaagsan yahay kana awood badan yahay xiriirka maaddiga ah ee dadka dhex-mara. Sidaa darteed, bulshada waaciga ah uma ay baahna khudbado iyo qoraallo caadifad ku dhisan oo ay raacaan, laakiin waxay u baahan yihiin ficil iyo anshax run ku dhisan oo ay raacaan.

    Xag-jirnimadu, jaad walba oo ay tahay, waxay kaa dheereeysaa inaad aadamiga jeclaato oo aad wanaag kula dhaqanto, waxayna kugu riixdaa inaad aadamiga necbaato oo aadan la dhaqmin. Xeerarka ay nolosha inoo yeerineyso waxaa kamid ah cashar macnihiisu yahay, aadamiga dhamaantood in ay ama noolaadaan oo u noolaadaan si bahaahimka ka duwan ama ay baaba´aan oo u baaba´aan si bahaahimka lamid ah. Mayal-adeeggu, fikrad kasta oo uu xambaarsan yahay iyo meel kasta ee uu yaal, wuxuu la dirirayaa cadaaladda.

    Waayo qofkeeda si buuxa oo madax-bannaan ayuu u doortey aragti ay naftiisa ku qancay. Laakiin wuxuu dadka u diiddan yahay in si buuxda oo madax-bannaan ay u doortaan aragti ay naftooda ku qanacday. Cimriga waa mid xaddidan, ama ha dheeraado ama ha gaabto waa isku mid.

    Waxaa keliya ee uu ku kala duwan yahay waa qofka wixii uu qabtay muddada uu noolaa. Diin dhamaanteed waxay ka hadashaa anshaxa wanaagsan iyo maslaxadda aadamiga, si taas lamid ah ayaa siyaasadaha wanaagsan waxay dadkeeda ku hayaamiyaan anshaxa wanaagsan iyo maslaxadda aadamiga.

    Diintii iyo siyaasaddii aanan labadaas ku howlaneyn khalad ayaa ku jira oo sidii aanan nolosha loogu guuleysanayn ayaa aakhirona loogu guuleysanayn. Diinta islaamka oo ah diintii diimaha iyo siyaasaddii siyaasadaha, si heer sare ah ayay u dhowrtey masaalixda aadamiga.

    Sidaa darteed aragti aanan ilaalinayn masaalixda dadka diinna maahan siyaasadna maahan. Sababta ugu wayn oo waddada nolosha looga habaabaa waa iyada oo qof layska raacaa ama hadaf layska caashaqaa iyada oo aanan dhab ahaan loo eegin. Ogow oo haddii uu qofku tabar u waayo in uu bulshadiisa ku qanciyo hadafka uu xambaarsan yahay, dabadeed uu geeri ka doorto, qofkaasi maahan qof hadafkiisa ka run sheegaya.

    Taariikhda laguma sheegin qof xaq ku taagan oo mayal-adag, laakiin waxaa taariikhda ku badan qof khalad ku taagan oo mayal-adag.

    Aragtida xag-jirnimada ah waxay bulshada ku reebtaa raadad laga dhaxlo dib-dhac culus oo sababaheedu ay yihiin, xooggii hor u-marin lahaa oo iyaga is-jebiya, iyada oo dadku ay ku xirraadaan tagto ayan waxba ka qaban karin, in ka-badan intii ay ku xiraan lahaayeen timaaddo u baahan in ay hagaagsadaan. Isla-markaasi waxay u shaqeyanayaan si indha-la´aan ah.

    Waxaa halkaas bulshada kaga baa-ba´aya awooddii caqliga ee hal-abuurka yeelan lahayd iyo awooddii xoogga ee degaanka dhisi lahayd.

    Qore: Dr. Saadiq Enow
    [email protected]

    Xag-jirnimada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSaraakiil ka tirsan ciidamada xabsiga loo dhigay weerarkii Alshabaab ee Laanta-buur
    Next Article DAAWO SAWIRRO: Walaalo is qarxiyay oo ka danbeeyay weeraradii Brussels & nin baxsaday

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo