Shirkadihii Xowliga ku abuurmay ee FOREX-ka ayaa guud ahaan hawada ka baxay, markii ay kaceen, laguna lunsaday lacag boqolaal Milyan oo Doolar ah.
Lacagtaha ay qabteen shirkadahan oo laga qaaday dadka caadiga ah iyo kuwa danyarta ah ee Soomaalida ayaa intooda badan la lunsaday, waxaana lagu qiyaasay inay lacagtaasi gaareysay 300 Milyan oo Doolar. Waxaa la xiray qaar ka mida milkiilayaashii Shirkadahaasi, iyadoo intooda badan dalka ka baxsadeen.
Barnaamijkii Galka Baarista ee VOA-da ayaa ogaaday shirkadaha ee Online-ka ee FOREX uu Bankiga Dhexe ee Soomaalia ka xayiray lacag ku dhow 20 Milyan oo Doolar. Shirkadaha ugu weyn ee Himilo ayaa la rumeysan yahay inay dadka ka urursatay lacag gaareysa 20 ilaa 30 Milyan oo Doolar.
Shirkadda FUTURE oo ka mida kuwa ugu waaweynaa ee mudadda kooban lacag badan ka qaaday dad badan oo reer Muqdisho ah, waxayna lacagtaasi gaartay 5 Milyan Doollar, waxaana Bankiga Dhexe uu ka xayiray lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar, madaxii Shirkadaasi Looge Yuusuf Cali oo Hargeysa u baxsaday ayaa waxaa ku maqan lacag dhan 3.7 Milyan oo Doollar.
Shirkadahan ayaa waxaa lacago malaayiin dollar ah dhigtay shacab u badan xoogsato oo rumeysnaa inay heli doonaan faa’iido badan, taasi isu bedeshay qasaare soo gaaray kumanaan dad ah oo weli raadinaya xoolahoodii laga dhacay.
HOOS KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA