Monday, May 12, 2025

Xaliimo-Yarey oo kashiftay qodobka ay isku heystaan Guddiga Farsamada iyo Ergada

Gudoomiyaha Guddiga farsamada shirka maamul samaynta Gobolada Dhexe Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa shir jaaraa’id oo ku qabatay Cadaado ka sheegtay in murankii iyo gacan-ka-hadalkii hareeyey shirka ee sababay in ergadii ay ka baxaan shirka ay ahayd is faham darro dhex martay dhinaca guddiga iyo ergada.

XaliimaYereey

Xaliimo Yarey waxay caddeysay in shirka habsami u socodkiisa ay u dejiyeen qodobo la raaco oo kala horeeya waxayna xustay in shaqada ergooyinka shaqadoodu ay tahay sidii loo ansixin lahaa Dastuurka KMG ee maamulka iyo soo xulida xildhibaanada maamulka Gobolada dhexe oo kaliya.

Ad

Muranka shalay ka dhacay shirka ayay sheegtay inuu ka dhashay kala aragti duwanaasho dhanka ansixinta Dastuurka oo ay ka mid yihiin  magaca maamulka yeelanayo, iyagoo kasoo horjeeday magaca Galmudug oo ergooyinka qeybo ka mida rabeen iyo calanka maamulku yeelanayo oo isna la isku heysto.

Xaliimo Yarey oo shaacisay waxa la isku heysto ee dhex yaalla Guddigeeda iyo Ergada ayaa sheegtay inay tahay cidda dooraneysa madaxweynaha oo ah arrinta ugu muhiimsan ee ay ku jirto kharash fara badan. Waxay ku eedeysay Ergooyinka qaarkood inay doonayaan inay dhinac  maraan qorshaha ay u dhigeen inuu shirku ku socdo oo ay rabaan in iyagu shirka meesha ugu dambeysa durba gaaraan oo  inay doortaan Madaxweyne taasoo ah bay tiri sharci daro iyadoo  ku dooday in madaxweynaha ay dooranayaan xildhibaanada la soo xulayo.

Waxay kaloo ka digtay faragelin ay sheegtay inay wadaan siyaasiyiinta doonaya in carqaladeeyaan shirka dantoodana ay uga tanaasulaan danta guud, Shirkan ayay sheegtay un dib loo furayo maalinta Sabtida Ergaduna ansixindoonaan Dastuurka ka dibna la soo xulayo xildhibaanada.

- Advertisement -

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON