Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Xamar Waa Nabad, Xasiloonise kuma noola shacabka -Dareen Shacab- (Maqaal uu qoray Macalimuu)

    Xamar Waa Nabad, Xasiloonise kuma noola shacabka -Dareen Shacab- (Maqaal uu qoray Macalimuu)

    September 19, 2015Updated:September 19, 20154 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Somalia’s forgotten institutions (By Mohamed Moalimuu)
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xamar Waa Nabad, Xasiloonise Kuma Noola Shacabka (Dareen Shacab)

    Moalimuu
    Weriye Mohamed Ibrahim Moalimuu

    Tan iyo dhamaadkii 2011-kii magaalada Muqdisho dib ayay uga soo kabaneysay daqarradii dagaalada sokeeye.Dhismayaashii sida ba’an u burburay ee dadka qaar ay ku tilmaameen sida dhul uu Tsunaami ka dhacay ayaa lagu bilaabay dayactir. Xaafadba xaafadda xigta ayay u dhiibeysay,qeybo badanna waxa ay u ekaadaan goobo mudan in lagu noolaado oo waxaa soo noqday bilicdoodii.
    Kaalmadii wax ku oolka aheyd ee Turkigu uu ku dhisay waddooyin muhiim ayaa sii kordhiyay quruxdiicaasimaddii burburtay.

    Waddada muddooyinkan danbe loogu isticmaalka badan yahay waa ta Maka Almukarama ,waxaa hadda qarqiyay gawaari ciidan iyo qoryo xad dhaaf ah, kuwo lagu ilaalinayo masuul dowladeed ama masuul hey’adeed. Dhamaan qoryahaasi waxa waddada loola dhex marayaa waa amni sugid sida lagu sheegayo, laakiin in qoryuhu ku battaan waddooyinka iyo in ay lagu yareeyo ta amniga lagu sugi karo waxaa la weydiinayaa qubarada bartay ammaanka.

    Waxaan arkay gaari hubeysan oo lagu ilaalinayo nin ajnabi ah, ma aheyn ciidan dowladeed walow ay wateen dareys ama uniform isu eg, shacab saarnaa gaari mini bus ah ayay markaa kadaba yimaadeen intii uu seed sii is lahaa darawalkii ayaa gaarigii ciidan uu ku yimid, waxa ay dableydii qoryaha kuwada taageen gaarigii shacabku ka buuxay waxii Ashahaad ka dhacay haween saarnaa gaariga waaba la ogaa.

    Nin ajnabi ah ammaankiisa ilaalintiisa ayaa umaddii waddanka u dhalatay aragagax loogu abuuray.

    Ma ogtahay oo ma qiyaasi kartaa saacadaha ay Madaxda sare ee dowladda soo dagayaan, dhoofayaan ama ay socod ku tagayaan meel ka mid magaalada dhibaatada soo gaarta Shacabka waddooyinka la xirayo awgeed. Hadiiba in la xiro waddooyinka aan laga fursaneyn sababo ammaan dartii saw ma wanaagsaneyn in la yareeyo waqtiga badan ee umaddu dhibaatooneyso. Maalin uu madaxweynuhu howl shaqo u aaday Afgooye waxaa la xiray waddda warshadaha, gawaaridii ka soo galeysay Ex. koontorool Balcad ee ka imaaneysay Jowha r, Balcad ee ilaa gobollada dhexe ee waddada laga xiray ka hor inta aanu madaxweynuhu bixin waxaa ay dantu ku qasabtay in ay halkaa ku xayirnaadaan ilaa iyo gabbal-dhicii oo uu soo laabtay Madaxweynuhu. Waxaa intaa dheeree Afgooye iyo dhamaan Sh/hoose qudaartii ka soo galeysay waa ay xayirmeen maalinkaa.

    Waqti hore maxaan kuugu daaliyaa caawa Madax Soomaaliyeed ayaa casho ku lahaa maqaaxi ku taal liido, ka hor inta aaney madaxdu iman waxaa la ceyriyay wax alla waxii baabuur ahaa, waxaa yimid gaari yar oo Boolisku leeyahay oo sameecad dadka loogu sheegayo in ay gawaaridoodu wada qaataan.Waddadii oo dhan waa la xiray. Maqaayadihii buuxay mar kaliya ayay faaruq noqdeen. Nin cunta kariye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadihii ayaan weydiiyay cuntada bisil ee u taalla iima jawaabin ee saxan cadad hilib ah ay ku jiraan ayuu ii soo saaray daaqadda kushiinka (Fiiri Sawirka hoose). Cuntada kale ee bisil ee waliba aan dhigaalka galeyn waa ay badneyd. Oo hadii sidaa la yeelayo saw ma aheyn in loo digo ama magdhow laga siiya qasaaraha ku yimid? Saa waa muwaadin Soomaaliyeed.

    sawir

    Madaxda waxa ay waqti dheer ku celcelinayeen in qofkii ay dowladdu xirto aan la soo dabagalin oo aaney qarraabadiisu soo raadin inta laga baarayo, laakiin laguma celcelin in dadka xaq darro marka hore aan lagu soo xerin ka horba inta aan la soo dabagalin.

    Haweeney waagii kacaanka shaqaale dowladeed ahaan jirtay ayaan ku arkay degmada Hiliwaa waxaan weydiiyay dareenka ay ka qabto dowladda ,waxa ay igu tiri, anigu in kastooy howlgab ahay hadana shaqaalo dowlo ayaan ahaan jiray waxaan rumeysanahay bey tiri dowladnimo wax dhaami iney laheyn, laakiin wax ay tiri TVga ka arkaa saraakiisha oo codsanaya in dowladda lala shaqeeyo, halala shaqeeyee aaway? maalinta kaliya ee aan aragno waa maalin dhalinyarada la raafayo oo howlgal uu jiro inkasta oo barrigii hore ay aad u darneyd.

    Guntii iyo gunaanadkii waxaa lagama maarmaan ah in Madaxda ay ogaadeen inta uu shacabkoodu rafaadayo in aaney xasilooni jirin Xamar,marka waxa la yiraahdaa sidee xeego loo xagtaa,carrabkuna uu ku nabad galaa ,Masuuliyiinta iyagaa laga rabaa in ay amnigooda adkeeyaan,shacabkuna aaney dartood u dhibaatoon oo ay turaan sababtoo ah waa iyaga waxa Madaxda lagu yahay,waana kuwa dib loogu noqon doono xilka gaaban kadib.

    W/Q: Maxamed Ibraahim

    [ad name=”HTML-7″]

    Moalimuu Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMuxuu horinta ciidan u wataa C/weli Gaas..? (Hab-dhaqanka Madaxweynaha Puntland ee Muqdisho)
    Next Article DHAGEYSO: Madaxweynaha Somaliya: “Somaliland waxay ka mid tahay qorshaha Hiigsiga cusub”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo