Xarun islaami ah oo ku taalla magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa weera Bam lagu qaaday saaka xilliga Mareykanka.
Qaraxan ayaa lala beegsaday xarunta Daar Al-faariq ee degaanka Bloomington, Minnesota, waxaana Bam lagu qarxiyay kadib salaadii subax.
Xaruntan oo dadka taga ay Soomaali ka mid yihiin ayaa la sheegay inuusan wax qasaare ah geysan qaraxa lala beegsaday, waxaana goobta tegay ciidamada FBI iyo kuwa Booliska oo baaritaano ka wada xarunta la weeraray.