Maamulka Gobolka ayaa maanta qaaday biro waaweyn oo hay’adda WFP ay dooneysay inay ku xirto wadada tagta garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii uu amar ku bixiyay Guddoomiayaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo hore ugu eedeeyay Wasiirka Amniga Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed in uu ka dambeeyo amarka lagu bixiyay in la jaro wadada.
Hay’adda WFP ayaa mar kale saaka isku dayday inay biro waaweyn ku xirto isla goobtii dhowaan guddoomiyaha Gobolka is hortaagay in la xiro, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamo kala duwan, balse Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay mar kale hor istaageen xirista wadada.
Hay’ada WFP oo degan jidka tagaGaroonka Muqdisho, ayaa ku dhow xarumaha UNDP iyo Hotel Jazeera oo iyaguna wadadaasi dhinacooda gebi ahaan ka xirtay, lama oga sababta loogu diiday oo kaliya WFP. Muungaab oo si weyn uga hor yimid arrintan ayaa dhinaca kale diiday inuu raaligelin siiyo wasiirka Amniga gudaha.
Baabuur waaweyn iyo Cagaf cagafyo ay leeyihiin Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saaka tegay xarunta WFP waxayna ka qaadeen birihi la doonaayay in lagu jaro wadadada.
Wadani.com