Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Xasan Sheekh: “Guddiga Doorashada waxay Farmaajo u raadinayaan muddo kororsi uu isagu sheegan waayey”

    Xasan Sheekh: “Guddiga Doorashada waxay Farmaajo u raadinayaan muddo kororsi uu isagu sheegan waayey”

    June 28, 2020Updated:June 28, 20208 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qaraarkii Golaha Shacabka ee 13 xubnood loogu ansixiyey inay ku yeeshaan Aqalka Sare ee dalka iyo Hadalkii lasoo yeeray Guddiga Doorashada Qaranka isagoo baaq u diray Madaxweyne Farmaajo.

    Isagoo shir jaraa’id ku qabtay ayuu ku caddeeyay inuu soo dhoweynayo go’aanka Golaha Shacabka, isla markaana ay tahay arrin weyn oo taariikhi ah in Gobolka Banaadir uu metalaad siyaasadeed yeesho, isagoo intaas raaciyey inaysan arrintu dhammaan oo loo baahan yahay in Gobolka Banaadir uu helo maamul ay soo dhisteen oo iyagu doorteen.

    “Baahida ugu weyn oo dadka Banaadir ay qabaan waa inay dhistaan maamul ay soo doortaan, ayna uga mid noqdaan Federaalka Soomaaliya ee Dastuurku tilmaamayo..” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud isagoo caddeeyay inaan dadka Gobolka Banaadir laga sii jeedin dowlad dhisidda ay garab taagnaayeen ilaa sanadkii 2000.

    Hoggaanka dalka ayuu sheegay inuu bareer ah u diiday nidaamka federaalka ee Soomaaliya ku heshiisay iyadoo la hayo caddeyn, wuxuu kaloo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu diidan yahay qabashada Doorasho raali laga wada yahay oo ay isla ogolaadaan dowladda, Maamul Goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda.

    Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kaloo ka hadlay arrinta Guddiga Doorashooyinka iyo muddo kordhinta ay soo jeediyeen Guddiga ay hoggaamiso xaliimo yarey, isagoo sheegay inaan la fileyn waxa ay dadka la hor yimaadeen.

    “Hadalkii Xaliimo Yarey waxay noqotay wax aad looga fajacay, mana ahayn waxa laga sugayay, lagama sugeyn muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaasadeed oo hor leh.. Muddo ka badan saddex sano guddiga waxay noo sheegayeen inay Doorasho diyaar ka tahay dhinacooda.. Hase yeeshee hadalkooda waxa soo baxday inay umadda Soomaaliyeed u hoosaasiyeen oo waqti ay Xeero iyo Fandhaal kala dhaceen soo bandhigeen inay ruux dheereysi u sameynayaan hoggaan muddo 4 sano ah wax ka qaban waayey Doorashada dalka oo xoog iyo hanti ku bixiyey burburinta nidaamka federaalka, waxaana hadalkooda laga dheehan karaa muddo kordhin riman muddo kordhin kale..” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud.

    Wuxuu intaas ku darray in Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha (xukuumadiisa) muddo dheer ku faanayeen inay wada joogeen, iyadoo halheyskoodu ahaa ‘waan isla joognay’. laakiin aanu maalin ka mida xilligaas madaxweynaha ka hadlin Doorasho iyo sida loo qabanayo.

    Xasan Sheekh wuxuu Guddiga Doorashada ku eedeeyay in Madaxweyne Farmaajo ay afkiisa af aan ahayn ugu dalbayaan Muddo kororsi uu isagu dadka la hor imaan waayey; wuxuuna ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu u dhaqaaqo sidii loo qaban lahaa doorasho la isla ogol yahay, si ay u suuragasho in qaab nabad ah xukunka loogu kala wareego.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA XASAN SHEEKH

    Hadaljeedin ku Aaaddan Arrimihii Golaha Shacabka ka dhacay 27.6.2020
    Horudhac

    Waxaan marka hore hambalyo u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee u dabbaaldageysa usbuuca xorriyadda Soomaaliyeed.

    Sida maalinta xorriyadda ee gobollada waqooyi iyo walaalaheen reer Jabuuti iyo munaasabadda soo socota ee 1da Luulyo ee lixdanguuradii ee xorriyadda iyo midnimada jamhuuriyadda Soomaaliya.Shalay oo ay taariikhda ahayd 27kii June, 2020, golaha shacabka ee baarlammaanka federaalka Soomaaliya (BFS), waxaa ka dhacay laba arrimood oo kala ah:
    1. Matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka sare, iyo,
    2. Hadal jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ).

    Matalaadda Gobolka BenaadirUsbuucii la soo dhaafay golaha shacabka waxaa la horkeenay mooshin lagu soo bandhigay Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

    Dadaal dheer ka dib maanta waxaa la ansaxiyay 13 xubood oo mustaqbalka ku matali doonto Benaadir aqalka sare ee baarlammaanka.
    Waxaa bogaadin usoo jeedinayaa senetarrada aqalka sare ee ku soo daray arrinta Benaadir sharciga doorashooyinka iyo xildhibaannadii golaha shacabka ee u guntaday meel marinta arrinkaas.
    Waxaan leeyahay dhammaan mahadi ha idinka gaarto, abaalka dadaalkoodane yaan la isku dayin in qolo kale ay dafto.Hase yeeshe, waxaan rabaa inaan wax yar iftiimiyo waxa dhimman ee inaan u sii wada istaagno ay tahay.

    Sida ku cad dastuurka KMG ah ee JFS, aqalka sare wuxuu matalaa danaha Dowladgoboleedyad. Sida aan wada ognahayne Benaadir wali uma sammeysna dowladgoboleed ama maamul ay soo dhisteen dadkiisa si waafaqsan nidaamka federaalka.

    Sidaas daraadeed, baahida dhabta ah ee gobolka Banadir waa inuu helaa maamul ay soo dhisteen dadka tirada badan ee deggan gobolka si matalaadda aqalka sare ay dhab u noqoto, dadka reer benaadirne ay ugu hoos noolaadaan hoggaan ay raalli ahaanshahooda ku soo dhisteen ayna uga mid noqdaan nidaamka iyo saabaanka federaalka ee uu dastuurka KMG xeeriyay.

    Ugu dambeyn, waxaa kale oo dadka reer Benaadir u rajeynayaa inaan indhahooda laga sii jeedin qadiyadda dowlad dhisidda ee qiimaha badan ee xoog iyo xoolaba leh ay ku bixiyeen muddooyinkii la soo dhaafay. Qaddiyaas oo maanta taagan isgoys qatar ah ka dib markii hoggaanka hadda talada haaya uu si bareer ah u diiday laba arrimood oo waaweyn:

    1. Waxaa si aan qarsoodi lahayn u diiddan yahay nidaamka federaalka ee ay Soomaalida cusub ku heshiisay iney dib ugu dhisato dowladnimadeeda

    2. Qabashada doorasho heer qaran ah oo heshiis lagu wada yahay si loo helo kalsoonida heer labaad ee federaalka oo kala ah dowlad-goboleeyada iyo midda saamileyda kale sida xisbiyada siyaasadeed iyo guud ahaanba kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

    Doorashooyinka qaranWaxaa la jooga waqtigii ay dhici lahayd doorashada qaran ee xilli-xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee heer federaal.
    Shalay oo taariikhdu ahayd bisha Juun 27, 2020 waxaa golaha shacabka hadal jeedin ka sammeeyay guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim.

    Hadaljeedinta guddiga oo muddo laga wardhowrayay waxay noqotay mid aad looga fajacay oo dadka Soomaaliyeed ka yiraahdeen “TANI TAAN U DHIGANNAYBA MA AHA” li’ anna lagama sugeynin muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaasadeed oo hor leh.

    Muddo saddex sano ka badan guddiga waxay noo sheegayeen iney doorashada diyaar ka tahay dhankooda. Hase yeeshe, hadal jeedinta guddiga waxaa ka soo baxday iney ummadda Soomaaliyeed u hoosaasiyeen oo waqti xeero faldhaan kala dhaceen ay ummadda usoo dhigeen iney ruux dheereysi u sammeeyaan hoggaan muddo ku dhaw AFAR SANO wax ka qaba waayay doorashada dalka isla markaana xoog iyo xoolo fara badan ku bixiyay burburinta nidaamka federalka ee dalku doortay.

    Sidoo kale hadaljeedinta guddiga waxaa laga dhadhansa kara muddo kordhin rimman muddo kordhin kale sababaha aan soo sheegi doono awgood.

    1. Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa waxay muddo dheer ku faanayeen iney wada joogeen muddo ku dhaw AFAR sano. Hase yeeshee maalin ka mid ah muddadaas madaxweynuhu kama hadlin wax doorasho la yiraa.
    Haddaba, ninkii doorasho laga sugayay ee aan ka hadlin muddadaas dheer sow shalay afkiisa af aan ahayn looguma hadlin? oo GMDQ nama dhihin Madaxweynaha iyo dhammaan hay’adaha dastuuriga ah (Madaxweynaha, 2da aqal ee baarlammaanka iyo guddoonkooda, afar sano howl doorasho maalinne ma soo hadal qaadin laakin doorasho wey qaba karaan haddii loo kordhiyo muddo xiloodkood ku dhawaad SANNAD amd ka badan. Arrinkaasi “WAA KAAF IYO KALA DHEERI”!

    2. Hadal jeedinta guddiga waxaa kale oo ku cad muddo kordhin hoosta ku wadato muddo kordhin kale. Taas waxaa daliil u ah guddigu waxay ku andacoodeen ama ka muuqata hadal jeedintooda asbaabtii keentay dib u dhaca oo ay ugu horreyso hoggaankii iyo hay’adaha ay u tiirinayeen dib u dhaca iney wali ka sugayaan wixii ay ka waayeen muddo AFAR sano ah. “ALLOW RUNEY YAA KU SHEEGA”!

    3. Hoggaanka iyo xukuumadda laga dhur sugayo sow ma aha kuwi tan iyo markii ay talada yimaadeen khilaaf iyo burburin ku waday dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

    4. Madaxweynaha wuxuu horay u ballan qaaday ineysan jiri doonin wax muddo kororsi ah, taasoo uu ku tilmaamay iney lumineyso kalsoonida lagu qabo dowladnimada. Sidaas daraadeed wax la aqbali karo ma aha inuu maanta noogu soo dul gabbado GMDQ isagoo raadinayo muddo kororsi.

    5. Sidii aan horay u soo sheegay, fidnada iyo qalalaasaha maanta ka dhex taagan labada aqal ee baarlammaanka waxaa aad uga muuqda faraha madaxweynaha oo shalay aqalka sare KOORAMKII ku waayay faragelin qaawan awgeed.

    Baaq

    Madaxweynaha JFS, waxaan ugu baaqayaa inuu dhago laab u daloola ku dhageysto baaqeyga:
    1. Waqti ayaa horay dalka iyo dadka uga soo lummay ee fadlan mid kale ha kasii luminin.
    2. Waqtiga yar ee ka haray xilli-xileedkaaga hal arrin ayuu ku filan yahay. Kaas oo ah inaad u istaagto in doorashada loo helo heshiis siyaasadeed si awoodda xukunka si nabad ah loola kala wareego ama si sharci ah mar kale laguugu soo doorto.

    B
    Walaalayaal, doorashadii ugu dambeysay ee dimoqraadiga ahayd ee dalkaan ka dhacday oo ay ka soo wareegtay in ka badan 50 sano, qaladaad ka dhacay awgeed, waxay dalkaan iyo dadkiisa u keentay ma hadho siyaasadeed oo ilaa hadda taagan.
    Sidaas daraadeed, Soomaaliya ma xammili karto qalad kale oo taariikhi ah oo dhaca xilli ay ka soo bogsaneyso jahawareer muddo dheer ay la soo tacaaleysay. Sidaas daraadeed, qofka ama kooxda maanta diiddan wadatashi siyaasadeed oo la gaarayo heshiis siyaasadeed oo wada-oggol ah waa QARAN DUMIS IYO DOWLAD DIID, ha ku soo gabbado GMDQ ama ha soo mare jid kale e. Waxaan madaxweynaha JFS ugu duceynayaa in Ilaahey tubta toosan iyo talada toosan waafajiyo

    Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego, kororsiimada uu madaxweynuhu u hanqal taagayo ma aha mid ku kooban isaga oo kaliya ee waxay gadaal ku wadataa kororsiimmayaal badan oo kala ah:

    1. Kororsiimmo Xilli-xileedka Madaxweynaha.
    2. Kororsiimmo Xilli-xileedka Xukuumadda.
    3. Kororsiimmo Xilli-xileedka Golaha Shacabka.
    4. Kororsiimmo Xilli-xileedka Aqalka Sare.
    5. Kororsiimmo Xilli-xileedka GMDQ.
    6. Xilli-xileedka guddiyo kale oo dhacaya.
    7. IWM

    Ugu dambeyntii, waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu duceynayaa in Ilaahey tubta toosan iyo talada toosan waafajiyo.

    والله وليّ الصالحين

    Doorashada Farmaajo Guddiga Doorashada Top Xasan Sheekh Maxamuud
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCumar Filish: “Muqdisho waa magaalada kaliya ee Shanta Soomaali aysan ku dareemin in laga leeyahay”
    Next Article Q/Midoobay, Ingiriiska & Midowga Yurub oo soo dhoweeyay Khudbadii Xaliimo Yarey iyo Shuruud lagu xiray..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo