Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa kulan isug yeeray siyaasiyiinta iyo xildhibaannda beeshiisa.
Kulanka ayaa lagu sheegay kala war-qaadasho waxaana sidoo kale ka qeyb galaya waxgaradka iyo odayaasha beesha Muddulood, oo madaxweynihii hore uu ugu yeeray inay ka soo qeyb galaan kulanka Qadada ah.
Lama oga in kulanka looga hadli doono arrimo siyaasadeed xilli la hadal hayo in madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu hoggaamiye u noqdo isbaheysi mucaarad ah oo looga horjeedo dowladda ay hoggaaamiyaan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.