Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Banaadir ayaa ku hanjabay inay la xisabatami doonaan siyaasiyiinta ugu sareeya
xilka dowladda Soomaaliya oo sababay in maqaamka Muqdisho hoos loo dhigo ee la aqoonsan waayo.
Nabadoon Cabdulaahi Xuseen Maxamed oo ka mid ahaa siyaasiin iyo waxgarad kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ku xad gudubtay maqaamka Muqdisho, ayna go’aan adag ka qaadan doonaan dowladda Soomaaliya hadii aysan wax ka qaban arintaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu faraha ka bixiyay arrinta Gobolka Banaadir, isagoo u daba fariistay C/weli Gaas iyo Faroole.
DHAGEYSO
Wadani.com