Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay xariga weriye C/casiis Axmed Gurbiye oo Madaxtooyada Soomaaliya ay dacwad kusoo oogtay.
“In loo hanjabo oo la xiro saxafiyiinta si loo aamusiyo ma caawineyso dimoqraadiyadda dalkeena aan jecelnahay ee Soomaalia. Xariga weriyaha weyn Mr. Gurbiye, kana tirsan Goobjoog waa calaamad muujineysa dhaqan kelitalisnimo oo socda..” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.
Dowladii uu hoggaaminayey Xasan Sheekh ayaa la ogyahay inay xiray saxafiyiin badan, iyadoo maxkamad soo taagtay qaarkood oo lagu soo eedeeyay inay u gafeen hay’adda iyo Sharafta Madaxweynaha.