
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa booqashadiisii kenya waxa ay soo cusboonaysay arin hore oo qaraarkeeda horay loo arkay. Waa in dadka la gaalaysiiyo si dhiigooda, xoolahooda iyo sharaftooda loo xalaalaysto.
Waxa aan la yaabay sida dad waaweyn oo culuma ahi ay markiiba siriqdaas ugu daateen oo aysan uga fiirsan waxa ay ku hadlaayaan.
Diinta islaamku waxa ay tix gelisaa waxa loo yaqaano [curfiga] oo bulshooyinku adduunku ku kala duwanyihiin.
Suurta galna ma aha in bari iyo galbeed hal {fatwa} uun loo qaybiyo.
Diintuna taa ma ogola. Oo Rasuulkeena SCW ayaa hal su’aal oo isku mid ah la weydiiyay marar kala duwan iyo dad kala duwan, isku sina uguma jawaabin, ee mid waliba qofka su’aalaya iyo arimaha ku hareeraysan ayuu ilaaliyay. Bukhaari & Muslim iyo Sunanka Saxiixa ah ayaadna ka heli kartaa tusaalooyin kugu filan.
Waxa Xasan Shiikh sameeyayna sujuud ma aha rukuucna ma aha. Ee waa curfi aduunyada ka jira, oo loo sameeyo tixgelinta ciidamo dhintay.
Marka laba qodob ayaa lagama maarmaan ah:
- In arimaha siyaasadda aan diin loo weecin ayada oo dana gaar ah laga leeyahay, ee xayndaabka siyaasadda looga doodo, qofki diidan iyo qofkii ogol intaba. Waana arin furan.
- In 6 wadaad oo dawlad gaar ahi wadato aan loo af duubin 600 oo culuma ah, oo ay muslimiintu leeyihiin oo aan ayag ka aqoon yarayn.
Afduubka culumada lagu samaynayo ee la doonayo in aduunya kala fog, kala dhaqan ah in loo af duubo 6 wadaad aragtidooda ayada oo nasiib daro dhaqaala lagu doonayo horay ayaa naloogu halaajiyay ee yaan nalugu sii wedin.
Dadka Xasan Shiikh diidani, yaysan diin ku soo gaban ee siyaasad ahaan ha uga doodeen danahooda.
Xasan Shiikh waa kaas dukanaya oo farta Tawxiidka taagay. Kuwii lahaa farta lama taagi karo, ee waa in la filqo miyaa haddana raba in ay Xasan Shiikh gaalaysiiyaan ayagoo aduunya doon ah. Alow iimaanka noo sug.
Diintani 6 wadaad jeebkooda wax ku jira waa ka balaaran tahay!
Alaw na Astur!
W.Q Xasan Xundubey