Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, July 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Xeer Ilaaaliyaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare kee sharci ah?

    Xeer Ilaaaliyaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare kee sharci ah?

    October 20, 2014Updated:October 20, 20143 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa mar kale soo shaac baxay is canbaareyn iyo warar iska horjeeda oo hawada la isku marinayo kuwaasoo quseeya garsoorka dowlada Federaalka Soomaaliya oo ah hay’adda kaliya ee kamida kuwa ugu waaweyn dalke ee aan sal dhigin kadib dhismihii dowladda Federaalka ee rasmiga ah September 2012.

    Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ceydiid Cabdullahi Ilkaxanaf ayaa sharci darro ku tilmaamay ninka  loo magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo xilkaasi si la yaab leh ugala wareegay xeer ilaaliyihii hore C/qaadir Mohamed Muuse oo isagu diiday inuu xilka wareejiyo, sidaasoo ay ku taageereen golaha adeegga Garsoorka. Ilka xanaf wuxuu sheegay inuusan dastuurka ku qorneyn xeer ilaaliye oo aanu jirin, balse uu jiro oo kaliya garyaqaanka guud ee Qaranka.

    Ilka-xanaf-ahmed
    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer ilaaliyaha guud

    Hadalka guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa ka dambeeyay markii xeer ilaaliyaha cusub Axmed Cali Daahir uu sheegay in  Garoosaraaysha ka shaqeeya Maxkamadaha Dalka ay yihiin kuwo Sharcidaro ah islamarkaana aan lagu soo magacaabin ku joogin wareegto Madaxweyne, wuxuna intaas ku daray in ilaa 30 Garsoore oo ka shaqeeya Maxkamadaha dalka ay sharci darro ku howlgalaa, iyagoo jooga Maxkamada Gobolka iyo Racfaanka.

    Isqabsiga cusub ayaa salka ku haya wax ka bedel la doonayo in lagu sameeyo garsoorka oo muddo soo jiitamayay, isbedelkaas oo uu hogaanka u hayo wasiirka Garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir ayaa ku jira marxaladihii ugu danbeeyay, taas ayaana la filayaa inay ka dhalatay qeylo dhaanta guddoomiyaha Maxkamadda sare oo aaminsan in Golaha adeegga garsoorka ee ahayd in la dhiso uu dhisan yahay.

    30  June 2014 ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay hindise-sharciyeedka magacaabista Guddiga Adeegga Garsoorka, kaasoo dhabaha u xaaraya in isbeddel lagu sameeyo adeegga garsoorka iyo hoggaanka maxkamadaha, isla sharcigaas waxaa ka soo horjeestay guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

    Waxaa la is weydiin karaa labadan mas’uul midka sharciga ku taagan iyo kan sharci darro ah? Guddoomiyaha maxkamadda sare waa mas’uul ka haray dowladii KMG ahayd, wuxuuna meesha ku joogay waxqabad la’aanta dowladda oo xitaa fulin weyday go’aanadii shirweynihii qaran ee garsoorka oo Muqdisho ka dhacay April 2013. Sidoo kale  xeer ilaaliyaha Qaranka oo golaha wasiirada ansixiyeen madaxweynuhuna soo magacaabay ayaa u muuqda nin nidaam ahaan sharci ku jooga laakiin shaki weyn laga qabo inuu u adeegayo dano gaara.

    Waa calaamad kale oo muujineysa sida ay u kala raaracaan hay;adaha dowladda iyo is heysadka aan xadka lahayn ee faraha ka sii baxaya, tiiyoo aanu muuqan hogaan sare oo arrimahan awood u leh inuu xaliyo inta aysan dibadda u soo shaac bixin oo bulshada werwer ku abuurin hadba laba ma’suul dowladeed oo warbaahinta ku dagaalamaya.

     

    Wadani Info.

    Muqdisho

     

     

     

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Xasan Sheekh oo amar la yaab leh ku soo rogay Radio Muqdisho
    Next Article Sidee Konteenaro Khamri ah laba sano loogu hayay Dekadda Muqdisho?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo