Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday toddobaadkan tallaabo aan hore loo arag oo ku saabsan warbaahinta Qaranka ee dowladdu maamusho isagoo amar kusoo rogay inaan laga sii deyn karin war suu soo saaray mid ka mida mas’uuliyiinta dowladda.
Amarkan kasoo baxay madaxweynaha oo la soo marsiiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta C/llaahi Colaad Rooble oo ahaa kusime ayaa lagu joojiyay in Radio Muqdisho iyo Telefishanka Qaranka ay baahiyaan shirkii jaraa’id ee uu qabtay Guddoomiyaha maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilkaxanaf 19-kii bishan Oktoobar 2014.
Xogta ay heshay Goobjooge.cnm ayaa sheegeysa in amarka madaxweynaha uu si fician ugu hogaansamay wasiir ku xigeenka warfaafinta, isla markaana fuliyay, laakiin ay ka xumaadeen wasiirka warfaafinta iyo Ra’iisal wasaaraha oo ku kala sugnaa xilligaasi dalalka Kenya iyo Burundi.