Waxaa beryahan danbe soo shaac baxay khilaaf muddo soo jiitamayay oo ka dhex aloosan maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan canshuur ay wasaaradda maaliyadda ka bilowday inay ka qaado koontaroolada laga soo galo magaalada iyo ganacsiyada gudaha.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhowaan si weyn uga qeyliyay canshuurta ay wasaaradda maaliyadda ka qaadeyso cawska, caanaha iyo badeecooyinka soo gala magaalada Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay sharci darro iyo dhibaato wasaaradda maaliyada ku heyso dadka Muqdisho isagoo ku hanjabay inuu xilka isa casili doono.
[ot-caption title=”Muxidiin Jurus” url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2014/10/jurus.jpg”]
[blockquote style=”3″]Baaris ay Wadani.com sameysan ayaa lagu soo xaqiijiyay inay canshuurtaasi tahay sharci darro la mida isbaarooyinkii ay magaalada Muqdisho dhigan jireen hogaamiye kooxeedyadii dalka, sida ay caddeeyeen khubaro arrintan loo saaray iyo hanti dhowrka guud ee Qaranka oo wasaaradda Maaliyadda kula taliyay inay joojiso qaadista canshuurahaasi.[/blockquote]
Guddoomiyihii hore ee degmada Yaaqshiid Muxidiin Xasan Jurus oo hadda ah agaasime waaxeed ka tirsan wasaarada Maaliyadda ayaa ah ninka ka dambeeya uruurinta ciidamada qaada canshuurahaasi oo qaarkood ay ahaayeen ilaaladiisii hore, waxaana gacan ku siinaya wasiiru dowlaha wasaaraha Maaliyada C/llaahi Maxamed Nuur oo ay qaraabo yihiin, xilkana u magacaabay.
Waanwaan lagu doonayay in arrintan xal loogu helo oo ay wadaan xildhibaanno, hanti-dhowrka qaranka iyo dad kala duwan ayay ku gacan seyreen labada nin e kala ah Muxdiin Jurus iyo C/llaahi Maxamed Nuur, iyadoo wasiirka Maaliyadda Xuseen Abdi Xalane u muuqdo inuu maamulka wasaaradda u gacan baneeyay wasiiru dowlaha.
Wadani Info
Muqdisho