Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Dacwadda kiis dil dad shacab oo uu geystay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska, dilkaas oo Muqdisho ka dhaliyey bannaanbax weyn oo lagu burburiyey sawiradda Madaxweyne Farmaajo.
Askarigan ayaa xilli Boolisku fulinayey Xilliga Bandow Dowladda kusoo rogtay magaalada Muqdisho cudurka Coronavirus awgiis, ayaa gurigooda ku hor toogtay marxuumiinta kala ah: Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi.
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in Dable Xasan Aadan Maxamed lagu xukumo dil toogasho ah mar haddii uu ku kacay mas’uuliyad darro dhalisay inuu dad masaakiin ah dilo.
Qareenada difaacayey iyo askariga ayaa ku dooday in dilka aanu ahayn ula kac, askariguna uu fulinayey amarka taliyaha Booliska.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa gabagabadii fadhiga Maxkamadda soo xiray isagoo shaaciyey in maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto kiisaska loo heysto eedeysane Dable Xasan Aadan Maxamed.