Dowladda Soomaaliya ayaa muddo laba sano ah kadib sheegtay inay diyaarisay dacwad lagu soo oogay Hay’adda lagu magacaabo Sahan Research oo hore xukuumadda Soomaaliya dalka uga mamnuucday.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inuu soo gabo-gabeeyey baarista Gal-dacwadeedka Hay’adda SAHAN RESEARCH, wuxuuna qoraal uu faafiyey ku sheegay in Dacwadda hay’addan dhawaan ay u gudbin-doonaan Maxkamadda Gobolka Banaadir si ay uga qaado tallaabada ku habboon ee sharciga ah.
SAHAN oo uu madax u yahay ninka lagu magacaabo Matt Bryden oo mar ka mid ahaa Guddiga UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sameysa baaritaan xaaladda Soomaaliya, iyadoo si weyn u dhaliisha waxqabadka dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Lama oga waxa xilligan soo kiciyey dacwadan, iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay Disembar 2018 dalka ka mamnuucay Hay’addan, waxayna wararku sheegayaan in xubno ka tirsan Hay’adda ay braha bulshada iyo warbaahinta caalamiga ah si weyn ugu dhaliilaan Madaxweyne Farmaajo.