War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Turkiga uu soo saaray warkii ugu horeeyay ee rasmi ah oo ku saabsan dilka saxafiga Jamal Kashoqgi oo 2-dii Oktoobar 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Xeer ilaaliyaha Turkiga Irfan Fidan ayaa war uu soo saaray goor dhoweyd ku sheegay in saxafiga Jamal Kashoqgi ceejin lagu dilay isla markii uu galay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, isla markaana jirkiisa laga jarjaray si looga takhaluso, taasoo ahayd qorshe ay hore u dejiyeen kooxda Sacuudiga ee ka dambeysay dilkiisa.
Qaabka naxdinta leh ee loo dilay ayuu xeer ilaaliyaha Turkiga ku sheegay in markii hore la neefta lagu celiyay, kadibna meydkiisa laga takhalusay, taasoo muujineysa in jirkiisa la baabi’iyey, iyadoo qaabka loo baabi’iyey aanay weli caddeyn, sida in la gubay iyo in kale.
Wadahadal iyo wada shaqeyn u dhaxeysay xeer ilaaliyeyaasha Turkiga iyo Sacuudiga ayaa fashilmay, kadib markii xeer ilaaliyaha Sacuudiga oo tegay Turkiga uu diiday inuu xog cad ka bixiyo dadkii ka danbeeyay dilka saxafiga, kana jawaabo su’aalo dhowr ah oo Turkigu doonayey in looga jawaabo.
Meydka Saxafiga Jamal Kashoqgi ayaa ilaa iyo hadda la la’ yahay, waxaana Sacuudiga uu diiday inuu caddeeyo halka uu ku dambeeyay meydka, wuxuuna meesha ka saaray wararkii hore ee lagu s sheegay in meydka saxafiga loo dhiibay qof Turki ah, waxaana xeer ilaaliyaha Sacudiga uu sheegay in warkaasi aanu sax ahayn, kana soo bixin si rasmi ah dhinaca Sacuudiga.
Waxaa laga cabsi qabaa in xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Sacuudiga uu xumaado iyadoo Sacuudiga