Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegay degaanka Rasadaay ee duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, markii ay ka baxeen Ciidamadii AMISOM.
Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ka socday dalka Uganda ay ka baxeen subaxnimadii Isniintii, waxaana saacado kadib la wareegay maleeshiyada AlShabaab oo aan ka fogeyn.
Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaq ka ka wada gobolka Sh/hoose iyo degmada Baraawe, iyadoo la filayo inuu bilowdo guluf colaadeed oo dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Baraawe ayaa beeniyay in Al-Shabaab ay qabsadeen Tuulada Rasadaay, wuxuuse sheegay inay socdaan dhaqdhaqaaqyo ay wadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.