Warbaahinta Kenya ayaa si weyn u hadal heysa gacan ka hadal ka dhex dhacay laba ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Kenya ee kasoo jeeda Gobolka W/Bari ee Soomaalida, kadib markii xildihibaan uu garaacay haween iyana xildhibaan oo laga soo wada doorto magaalada Wajeer.
Xildhibaanad Faadumo Geeddi oo ka mida Baarlamaanka Kenya ayaa dawcad ka gudbisay gacan-ka-hadal uu kula kacay Xildhibaanka Rashiid Amiin, kadib markii ay isku qabteen arrimo ku saabsan qoondeynta miisaaniyadda degaanka ay kasoo jeedaan.
Daqiiqado ayay wadahadleen labada xildhibaan kadibna Xildhibaan Rashiid Amiin ayaa Feer la dhacay xildhibaan Faaduma iyadoo afkeeda uu dhiig ka muuqdo ayaana lagu baahiyey baraha bulshada dhacdadan oo Khamiistii maanta dhacday.
“Wuxuu igu tilmaamay Wevel, iyo inaan faa’iido lahayn, waa uu i garaacay, waan naxay, waan aamini waayay, wuu igu soo laabtay oo haddana wuu I garaacay”. ayey tiri xildhibaan Faaduma Geedi oo warbaahinta la hadashay.
Xildhibaan Wanga oo la socday Xildhibaanad Faaduma Geedi ayaa sheegay inay gaar u wadahadleen. daqiiqado kadibna uu arkay Rashiid oo Faadumo afka iyo wejiga ka garaacaya, iyaunaa ay ooyneyso, kadiba uu dhiig ka socday.
Rashid Amin ayaa la sheegaya inuu xildhibaan Faadumo ku eedeeyay inaysan deegaankiisa wax dhaqaale ah u qoondeynin, maadaama ay ka mid tahay guddiga miisaaniyadda ee Baarlamaanka.
Booliska ayaa dacwad laga furay, wuxuuna diiday xildhibaan Rashiid Amiin inuu saxaafadda la hadlo, isagoo sheegay inuu kaliya arrintan kala hadlayo Booliska.


HOOS KA DAAWO

