Xildibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee sida weyn u taageersan Guddoomiyeaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa kashifay mooshin cusub oo ay wadaan xildhibaannada taageersan xukuumadda Soomaaliya.
“Mooshinkii Jawaari marka uu socon waayey wuxuu isku bedelay mooshin kale oo cusub oo Dastuurka dalka laga keenay oo xildhibaanada guryahooda koox wasiiro iyo xildhibaano ah ay kula gaaf-wareegayaan si loo saxiixo oo dastuurka dalka wax looga bedelo…” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo aan faahfaahin ka bixin mooshinka cusub.
Wararka qaar ayaa sheegaya in mooshinka cusub ku saabsan yahay in codka loo qaadayo Sabtida Guddoomiyaha Baarlamaanka laga dhigo mid gacan-taag ah, kadibna si gacantaag ah loo rido Guddoomiye Jawaari.
Xildhibaan Fiqi ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna yiri: “Marka siyaasadda lagu dayoobo, waxaa dadka isaga qaldama waxa suurtagalka ah iyo waxa aan suurtagalka ahayn sida ka taagan Villa Somalia. Isku daygaan waalida ah wuxuu dalka u horseedi karaa caaqibo xumo aan la mahdin..”