Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida Baaralmaanka Federaalka Soomaaliya ayaa niyad jab ka muujiyey dib u dhigista markii labaad lagu sameeyay dacwadda Xuduudka Badda ee Somalia iyo Kenya oo Maxkamadda ICJ ay dib u dhigtay ilaa June 2020-ka.
Wuxuu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay kala dirtay qareenadii difaacayey Soomaaliya, isla markana ay kiiska la wareegeen Ra’iisal wasare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guled, xer ilaaliyaha Axmed Cali Dahir iyo Danjire Cali Fiqi, kuwaasoo Soomaaliya difaaci doona Bisha June 2020 xilli uu dalku ku jiro jawi doorasho oo lagu soo aadiyey dhageysiga dacwada wareeggeeda labaad.
“Waxaan barlamaanka horgeyn doonnaa soo jeedin (Mooshin) wax looga weydiin doono cidda ka mas’uulka ah dacwadda badda Soomaaliya sababta Soomaaliya oo ku gacan sarraysay tan iyo markii dacwada la geeyey maxkamadda ICJ iay u dhacday in maanta laba goobood laga soo kiciyo oo looga gacan sarreeyo ayadoo ugu danbeyn arrintaan ay cidi mas’uuliyadeeda dhabarka u ridan doonto!..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Fiqi oo ka mida xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh.