Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ku baaqay in sharciga la hor keeno ciddii ka dambeysay kiiska dhibnne C/kariin Muuse Qalbi dhagax.
Farriin uu dhigay baraha bulshada ayuu xildhibaanku ku sheegay in arrinta Qalbi dhagax ay xusuusta dib ugu celisay inuu dalku dib ugu noqday Maxjar dadka laga dhoofiyo oo hore ay hoggaamiye kooxeeyadii Muqdisho ka fureen sanadkii 2006.
AKHRI FARRIIN XILDHIBAAN FIQI
“Soomaaliya sanadihii 2005 – 2006 Maxjar culimada laga dhoofiyo ayay hogaamiye kooxeedkii ka fureen, waxey sameysteen liis dad Soomaali ah oo dibadda laga soo dalbaday, mashruucaas wuxuu galaaftay dadkii qandaraaskaas nagu soo qaatay..
Arinta dhibbane Qalbi Dhagax waxey xusuusteena dib ugu celisay maxjarkii dad dhoofintu inuu dalka dib ugu soo noqday, waa waajib ciddii falkaan ka danbeysay in sharciga la horkeeno, waayo taariikhdii Iyo sharafkii Soomaaliyeed ayey meel ka dhac ku Tahay, dhanka kale waxey akhlaaq xumo u horseedaysaa jiilasha soo socda.” XILDHIBAAN FIQI
Wadani