Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa jawaab kulul u diray Duqa magaalada Muqdisho oo si weyn u dhaliilay mucaaradka dowladda, wuxuuna u sheegay shaqada u taalla ee uu gabay.
“Guddoomiye Yariisow waa hadlay laakin wadooyinka mugdiga noqday, balliyada biyaha Muqdisho roobabku ku reebeen iyo qashinka meel kasta yaalla ayaa shaqadoodu u taallaa iyo inuu wax ka yiraahdo, laakin mucaaradka ka hadalkiisa madaxweynaha ayaa Koofurta Sudan fariin uga soo diray oo ku filan..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo is weydiiyey in dhaqanka Guulwadaynta lagu qasban yahay iyo inkale.
Xildhibaan fiqi ayaa soo qaatay saddex farriin oo ku socda yariisow oo kala ah:
1- Yariisow haloo sheego; in saddex todobaad ka hor ganacsatadii suuqyada waaweyn Muqdisho ee canshuuraha xad-dhaafka ah uu ka qaato ay amni xumo ka sheegteen..
2- Haloo sheego guddoomiyaha In magaalada uu madaxtinimadeeda sheeganayo xaalado amni awgeed jidadkii faras magaalaha ahaa bartamahooda In ciid lagu xiray loona diiday shacabkii uu xukumay In ay isticmaalaan.
3- Yariisow hala gaarsiiyo shacabka Muqdisho Guddoomiye ayey u baahan yihiin ee uma baahna Guulwade.
HOOS KA DAAWO WARKA YARIISOW