Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»KASHIFAAD: Maxay Madaxda Dowladda Federaalka ku diideen Dib u Doorashada Shariif Xasan..?

    KASHIFAAD: Maxay Madaxda Dowladda Federaalka ku diideen Dib u Doorashada Shariif Xasan..?

    November 2, 2018Updated:November 3, 20182 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Khilaafkii ka dhex taagan Madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda federaalka iyo ololaha doorashada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxaa ku hoos jira dagaal siyaasadeed oo dhex maraya madaxweynaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madaxda Dowladda Federaalka.

    Shariif Xasan oo muddo ku qaangaaray xaaladda siyaasadda Soomaaliya ee kadib dagaaladii sokeeye wuxuu ka dhex muuqday dhammaan dowladihii la dhisay wixii ka damnbeeyay Shirkii Soodare, Kenya ee lagu soo dhisay dowladii uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf Ahmed.

    Shariifku wuxuu kasoo badbaaday xiisado siyaasadeed oo waaweyn, wuxuuna hormuud ka ahaa ololeyaal siyaasadeed oo galaafay siyaasiyiin waaweyn oo uu ka mid yahay Madaxweyne Farmaajo oo xilkii Ra’iisal wasaaraha ku waayey heshiis uu qeyb ka ahaa Shariif Xasan sanadkii 2011.

    Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaare Cai Kheyre Kheyre iyo agaasime ku xigeen Fahad Yaasiin waxay doorteen inaanu dib u soo laaban Shariif Xasan, taasoo go’aanka ugu weyn uu ka yimid Farmaajo, inkastoo Shariifku uu ahaa siyaasi qunyar socod ah una diyaara inuu la heshiiyo dowladda Federaalka, mar kastana ay ka go’neyd inuusan dagaal la gelin madaxda dowladda Federaalka.

    Arrinta ugu weyn ee lagu macneeyay diidmada Madaxweyne Farmaajo ee Shariif Xasan ayaa lagu sheegay ‘aarsi siyaasadeed’ oo jawaab u ah heshiiskii ‘Kampala Deal’ kaasoo meesha looga saaray Farmaajo, laguna qasbay inuu is casilo; iyadoo arrinta labaad ay tahay in Shariif Xasan aanu la socon karin kooxda Nabad iyo Nolol oo ay qasab tahay in meesha laga saaro.

    Musharixiinta ay wataan madaxda dowladda Federaalka oo kala ah: C/casiis Lafta-gareen oo xilka madaxweynaha K/Galbeed ay u doonayaan iyo Xuseen Cismaan Uurkuus oo raacdo-reeb u ah waxay taageero aan la qarin ka heystaan madaxda dowladda inkastoo qorshahan yahay mid adag oo aan la saadalin karin.

    Labada dhinac waxay ku qasbanaadeen inay ku dagaalamaan doorashada K/Galbeed oo hadda isu bedeshay mid u dhaxeysa kooxda Nabad iyo Nolol iyo dhammaan inta kasoo horjeeda, waxayna doorashadaasi go’aamin doontaa guusha iyo guuldarrada qorsheyaasha madaxda dowaldda Federaalka ee 2020-ka.

    Doorashada K/Galbeed Farmajo Shariif Xasan Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSiyaasiga Aadan Barre Ducaale oo Farriin u diray Madaxweyne Farmaajo & Maamul Goboleedyada [Akhriso]
    Next Article Xildhibaan Fiqi: “Yariisow hala gaarsiiyo Shacabka Muqdisho uma baahna Guulwade..” [Jawaab Culus]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo