Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in haddii doorasho dhici weyso mudadda xilkiisa uu sii jirayo Baarlamaanka.
Isagoo maanta ka hadlayey kulankii Baarlamaanka ee looga doodayey Sharciga Doorashada ayuu sheegay in Baarlamaanka uu fadhin doono, siina shaqeyn doono hadii ay doorasho dhici weydo, micnuhina aysan ahayn muddo kororsi ee la diidayo marnaasho dowladeed, wuxuuna intaas ku daray in Baaralmaankii hore oo ay ahayd inuu xilka banneeyo Ogost 2016 uu gaaray Disembar 2016