Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in Bm gacmeed lagu weeraray Gurii uu degan yahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi.
Weerarka oo xalay dhacay ayaa lagu qaaday guriga xildhibaanka lagu magacaabo Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre, waxaana la soo weriyay inay dhaawacyo ka soo gaareen qaar ka mida qoyska xildhibaanka.
Xildhibaanka ayaa la sheegay inuusan joogin guriga xilliga weerarka Bam lagu qaaday, isagoo la sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, waxaase ku dhaawcmay xaaskiisa iyo mid ka midh ilaalada Xildhibaanka.
Nin la sheegay inuu falkan ka dambeeyay ayaa ka baxsaday goobta oo ahayd xaafadda Mishinka ee Magaalada Jowhar.