Xildhibaan Cali Maxamad Cumar (Cali Balcad) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isla amrkaan ahaa agaasimihii Madaxtooyda ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kashifay sababta keentay in madaxweye Maxamed C/llaahi Farmaajo saxiixi waayo xukunnada dilka ah ee maxkamadaha dalka ay ridaan.
Xildhiban Cali Balcad ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu weli ku dhegan yahay dhalashada Mareykanka, isagoo diiday inuu iska celiyo Baasaboorka Mareykanka, markii uu madaxweynaha noqday oo Dowladda Mareykanka ay usoo bandhigtay inuu iska iska celiyo passport-ka ama inuu heysto oo muwaadin Mareykan ah ahaado, kadibna uu ku adkeystay inuu heysto, isagoo ah madaxweynaha kaliya ee xil heerkaas ah qabtay oo diiday inuu isla celiyo Baasaboorak Mareykanka, sida ay yeeleen madax kale oo ay ka mid yihiin madaxweynayaasha dalalka Haiti, Ukraine, Lithuania, Ciraaq iyo kuwa kale .
Madaxweyne Farmaajo ayaa kasoo jeeda Gobolka New York, halkaasoo xildhibaan Cali Balcad uu sheegay inuusan sharci ka ahayn in dembiilayasha la dilo, ayna dhibaato uga imaan karto madaxweyne Farmaajo oo muwaadin Mareyakn ah, taasina ay keentay inuu ka meermeero saxiixa dilka toogashada ah.
HOOS KA DAAWO WAREYSIGA DALSAN TV