Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si kulul u canbaareeyay qorshaha xukuumadda Soomaaliya ee sugidda nabadgelyada magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka oo ka mida dadka ku kacsan dowladda ayaa sheegay in isku dhacyada ciidamada dhexdooda ee dhaliyay dhimashada iyo dhaawaca saraakiisha ay muujineysa qorshe xumida xukuumadda Soomaaliya.
“Isku dhacyadii Ciidamada Militariga iyo Nabad Sugida maanta ku dhex maray Magaalada Mogadishu ee sababay dhimashada iyo dhaawaca Saraakiil iyo Askar ka wada tirsan labadaasi Ciidan waxay daliil cad u tahay QORSHE XUMIDA XUKUUMADA IYO HAY’ADAHA AMNIGA ee ku aadan qorshaha Sugida Amniga Magaalada Mogadishu!..” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlayay iska hor imaadyo qasaare dhaliyay oo maanta hareeyay caasimadda.
Ilaa lix askari oo uu ka mid yahay sarkaal kale ayaa lagu dilay iska hor imaad iyo rasaas ay is weydaarsadeen ciidamada xasilinta iyo ciidamo kale.
Wadani