Mahad Maxamed Salaad oo ka mid xildhibaannada ku kacsan hoggaanka Dowladda Federaalka iyo xukuumada ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku fashilmay hoggaanka dalka.
Qoraal uu diray ayuu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku fashilmay mas’uuliyadii loo igmaday, loona baahan yahay in Goleyaasha Barlamaanka ay ka tashadaan sidii talada dalka loo toosin lahaa!.
Wuxuu soo qaaday xaaladaha dalka ka jira sida: Ismaandhaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, Qabsoomida kulanka Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyadoo aysan joogin lagana talo gelin madaxda Dowlada Federaalka.
Mahad Salaad ayaa ku dooday in arrimahaas oo dhan muujinayaan in Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo uu ku fashilmay hogaaminta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, lana joogo xilligii Goleyaasha Barlamaanka ka tashan lahaayeen sidii talada dalka loo toosin lahaa.