Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaan Mahad Salaad oo digniin kasoo saaray ‘Sharciga Denbiyada Jinsiga’ ee Wasiiradda Haweenku wadato

    Xildhibaan Mahad Salaad oo digniin kasoo saaray ‘Sharciga Denbiyada Jinsiga’ ee Wasiiradda Haweenku wadato

    December 28, 2018Updated:December 28, 20184 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si weyn uga hor yimid, ugana digay sharciga Qaran ee Denbiyada Jinsiga” kaasoo Golaha Wasiirada ay asixiyeen, ayna wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ay olole ugu jirto inay ansixiyaan labada aqal ee Baarlamaanka.

    Xildhibanka ayaa qoraal dheer ku faahfaahiyey sharcigaasi qodobo ka mida oo ka horjeeda diinta islaamiga, isla markaana wuxuu uga digay wasiirada haweenka Deeqa Yaasiin inay qaadato taladii ay siiyeen culimada iyo Guddga Garsoorka Baaralmaanka iyo Guddoonka Baarlamaanka oo ay dib u saxdo qoddobadaasi.

    HOOS KA AKHRI QORAALKA MAHAD SALAAD

    Waxaan ka digeynaa in Goleyaasha Barlamaanka la horkeeno sharci kasoo horjeeda shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Umadda Soomaaliyeed!

    Sharaf iyo Karaamo ayaan u haynaa Wasiiradeena iyo Xildhibaanada Goleyaasha Barlamaanka ee shirkaan fadhiya. Lkn hindise sharciyeedka ay soo bandhigtay, soona diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee la rabo inla horkeeno Goleyaasha Barlamaanka, wuxuu si toos ah uga horimaanayaa Shareecada Islaamka ee ummadda Soomaaliyeed dhammaantood ay aaminsan yihiin.

    Sida ku cad qodobka 2aad, faqradiisa 1aad, 2aad iyo 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:

    1. Islaamku waa Diinta Dawladda.

    2. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.

    3. Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda.

    Haddaba, hadii aan si kooban u iftiimiyo qodobada Hindise Sharciyeedkaan uga horimaanayo Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Umadda Soomaaliyeed waxay kala yihiin:

    1. Sharcigaan wuxuu weerarayaa guurkii Nabigeena Muxammad NNKH kuna tilmaamayaa xadgudub iyo fal dambiyeed. Sida ku cad qodobka 27aad ee sharcigaana: “Qof kasta waxa uu galayaa fal dambiyeed guursi carruur ah haddii uu si ula kac ah u guursado carruur aan qaangaar ahayn”. Da’da qaangaarka ee sharcigaani xeerinayo waa 18 sano sida ku cad qaybta eray bixinta ee hindise sharciyeedkaan iyo qodobka 29aad, faqradiisa 8aad ee dastuurka. Qof kasta oo gala fal dambiyeedka ku xusan qodobkaana waxaa lagu xukumayaa xabsi aan ka yareyn 10 sano kana badneyn 15 sano”.

    Haddaba, maxay diinteenu ka qabtaan arintaan?

    Sida ku sugan shan kitaab oo ka mid ah kuwa asalka u ah xadiiska Nabigeena NNKH ( Bukhaari (3894), Muslim (1422), Abu daawuud (2121), Nasaa`i (3378) iyo Ibnu maajah (1876) ) in uu Nabi Muxammad NNKH Caa`isha ku guursaday iyadoo sagaal jir ah.

    Haddaba in fal dambiyeed loo arko wax Nabi Muxammad NNKH sameeyay waxay meel ka dhac ku tahay sharafkiisa iyo maqaamkiisa mana aha wax uu qaadan karo qof u rumeysan rasuulnimo.

    2. Sharcigaan kala saari maayo nikaaxa sharciga ah iyo sinada (dhileysi). Sida ku cad qodobka 6aad ee sharcigaan wuxuu si cad u leeyahay: Qof kasta wuxuu galayaa fal dambiyeed ku xadgudub jinsiyeed ah haddii uu fal jinsiyeed la sameeyay oggolaansho la`aanta qof kasta oo kale.

    Lagama reebin haddii uu nikaax ka dhexeeyo labada qof sida uu tilmaamayo ereyga QOF KASTA. Sidoo kale labada aan isqabin hadii fal jinsiyadeed uu dhex maro iyagoo raali iskaga ah iyadana denbi maahan sida meesha ka muuqata. SUBXAANALLAAH!

    3. Sida ku cad Qodobka 65aad, faqradiisa 2aad ee sharcigaan wuxuu si cad u leeyahay: “Xeer kasta ama qodob sharciyeed KASTA oo ka hor imaanaya sharcigaan ama aan waafaqsanayn sharcigaan waa la baabi`iyay, waxaana lagu baddalay qodobbada sharcigaan”.

    Taasoo micnaheedu yahay in sharcigaan uu si toos ah u laalayo una burrinayo sharci kasta oo aan waafaqsanayn, taas oo aan laga soo reebin Shareecada Islaamka.

    Haddaba, dooda ka taagan sharcigaan waxaa horay iskaga arkay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Golaha Shacabka, Culimada iyo Wasaarada. Talo ayaana loo soo jeediyay Wasiirada iyo Wasaaradeeda. Sidaas daraadeed waxaan kula talin lahaa Wasiiradeena sharafta badan taladii loo soo jeediyay ee ku saabsaneed dulduleelada sharcigaani leeyahay inta dib ula noqoto in ay soo saxdo. Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed na aan dhibaato loo horseedin iyada oo la fulinayo ajandeyaal ay leeyihiin quwado shisheeye.

    W/Q: Xildhibaan Mahad Salad

    Mahad Salaad Sharciga Denbiyada Jinsiga Top wasaaradda haweenka Wasiir Deeqa Yaasiin
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaanno kasoo jeeda K/Galbeed oo xarunta NISA ku booqday Mukhtaar Roobow & Farriin ka timid [Akhriso]
    Next Article FAAHFAAHIN: Qarax ka dhacay Guri uu deganaa Taliye xigeenkii hore ee Ciidamada Booliska [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo