Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaan Mahad Salaad oo digniin & talo u diray lammaanaha dartood loo dilay Axmed Dowlo [Akhriso]

    Xildhibaan Mahad Salaad oo digniin & talo u diray lammaanaha dartood loo dilay Axmed Dowlo [Akhriso]

    September 26, 2018Updated:September 26, 20182 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si gaara ula hadlay lammaanayaasha guurkooda dartiis loo dilay Marxuum Axmed Dowlo oo xalay Telefishan ku yaalla Muqdisho uga qeyb galay barnaamij loo sameeyay.

    Arrinta lammaanahan oo lagu kala magacaabo Maxamed C/raxmaan Mukhtaar iyo Ruqiya C/llaahi Maxamed ayaa dood weyn ka dhalisay baraha bulshada markii ay kasoo muuqdeen telefishanka Dalsan ee Muqdisho, waxaana xildhibaan Mahad Salaad uu qoraalkiisa ku bilaabay sida soo socota:

    Dhalinyarada yaan la marin habaabin!

    Maalmahaan waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha dhex wareegayay dhacdadii xanuunka badneed ee lagu gubay walaalkeen Ahmed Alle ha-u-naxariistee.

    Waxaan aad ula yaabay buunbuuninta xad dhaafka ah ee dhacdadaan xanuunka badan oo xitaa gaartay in wiilka nasabkiisa laga been sheego!

    Qof waliba waxaa sugeysa maalin uu Alle hor istaagi doono. Xubnaha jirkiisuna ku marqaati furi doonaan, xumaan iyo samaan wixii uu shaqeystana la horkeeni doono, abaalmarinteedana uu heli doono. Lkn lamaanahaan isdoortow talo iga dhageysta oo talo waayeel iga dhageysta:

    Wiilyahow waxaan talo kugu siin lahaa buundhuunintaan dhalanteedka ah inta iska dhaaftid hadii run ay kaa tahay in aad gabadha jeceshahay aadna rabto owlaad baarri ah in Eebe kaa siiyo. Sidaan kuma dhaqanto gabar hooyadeed, habaryarteed iyo abtigeed xasbi kujiraane, dhaqankaaga wax ka badal oo reer xididkaa la xaal. Dad samo jecle ah oo dhaqanka Soomaaliyeed iyo midka Islaamnimo garanaya la tasho oo xali dhibka ka dhex jira qoyskaaga iyo midka xaaskaaga. Iskana dhaaf dadkaan ku marin habaabinaya oo siyaasadeynaya dhibka qoyskaaga maslaxad kuuma haayaane.

    Gabaryahay waxaan ku leeyahay guri lagu nastoo lagu nagaado iyo owlaad baarri kuu ah hadaad rabto waalidkaa ka duco qaado. Dhaqanka kaa muuqdana wax ka badal. Qosol iyo warbaahin laga soo muuqadana kuuma taalee dib iskugu laabo. Sababtoo ah hooyadii sagaalka bilood caloosha kugu soo qaaday, naaskeeda kusoo nuujisay, dhabarkeeda kugu soo xanbaartay, sababna u ahayd quruxda kaa muuqata Alle ka sokow ayaa maanta xabsi u jiifta adiga daraadaa. Marka meesha ka kac oo inta marada dhexda ku xiratid isku maslax Aabe iyo Hooyo, Awoowe iyo Ayeeyo, Adeer iyo Abti, Aboowe iyo Abaayo, Seedi iyo Dumaashi.

    Dadka buunbuuninaya qadiyada wiilkaan iyo gabadhaan waxaan leeyahay wax xun ayaa dhacay oo dhaqanka Islaamnimo iyo midka Soomaalinibaba ka baxsan marka walaaloyaalow kuwii dhintay ee xaqdarada lagu dilay danbi ha usoo jiidinina, dhalinyaradaan iscalmadayna gurigooda ha duminina. Kala fogaansho qoyskaan dhismayana horseed ha u noqonina ee hadii aadnan wanaag kusoo kordhinayn dhibkiina kala hara.

    Axmed Dowlo Lammaane Mahad Salaad Maxamed C/raxmaan Mukhtaar) Ruqiya C/llaahi Maxamed Yaaqshiid
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHay’adda UNICEF oo xafiiskeedii weynaa ee Nairobi u soo wareejiyay Magaalada Muqdisho [Sawirro]
    Next Article SAWIRRO: Tareen Dheereeya ee magaalooyinka barakeysan ee Maka & Medina oo xariga laga jaray

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo